Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Xilka Laga Qaaday

0
826

Muqdisho (HP): Raysal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo uu caawa bartiisa Twitter-ka soo dhigay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka ayaan lagu sheegin sababta keentay xil ka qaadista wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Dhinaca kale, madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa safiir u magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Danjire Axmed Ciise Cawed.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here