Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Marti Ku Ahaa Barnaamijka Waxqabadka  iyo Isla Xisaabtanka 

0
591

Hargqysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland qyaa sheegay in ay hirgeliyeen qorshe barashadda dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka lagu gaadhsiinayo dadka meelaha baadiyaha ah ku nool.


Waxaanu tilmaamay wasiirku in ka wasaarad ahaana ay ka hawl galeen sidii qorshahaasi u fuli lahaa, isla markaana ay u diyaariyeen kooxo wasaaradiisa ka socda oo loo tababaray sidii ay dadka xoolo dhaqatada ah u bari lahaayeen dastuurka.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo marti ku ahaa barnaamijka bandhiga waxqabadka  iyo isla xisaabtanka  xukuumada iyo bulshadda, ee Khamiistii xalay oo uu qabtay telefishanka qaranka Somaliland.


Barnaamijkaasi oo socday muddo laba saacadood iyo dheeraad ah ayaa wasiirka waxaa dadweynihii madasha joogay ay ku waydiiyeen su’aallo fara badan oo la xidhiidha shaqadda wasaaradiisa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here