Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Ka Hadlay Muhiimadda Ay Leedahay Barashadda Quraanka

0
306

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ku booriyay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland in ay nabad geliyadoodda ilaashadaan.
Waxaanu wasiirku sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta amaanka dalka, isla markaana la dareemo nimcadda iyo amaanka uu ALLE SWT ina siiyay.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, oo hadal ka jeediyay munaasibad xalay lagu qabtay masaajidka Rashiid ee magaaladda Hargaysa oo lagu qabtay munaasibad lagu soo xidhayay tafsiirka quraanka kariimka ah oo masaajidkaasi muddo ka socday.
Maxamed Xaaji Aadan, waxa kaloo uu ka waramay qiimaha ay leedahay barashadda quraanka kariimka ah iyo muhiimadda ay leedahay qiimaha uu aakhiro iyo adduun ba helayo qofka bartaa.

Daawo: Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY