Wasiirka Waxbarashada oo Xadhiga ka Jaray Dhisme lagu Kordhiyay Jaamacadda Ceerigaabo

0
606

Ceerigaabo (HP): Wasiirka waxbarashadda  iyo Sayniska Somaliladnd Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyay jaamacadda Sanaag University ee magaaladda Ceerigaabo  ee xarunta gobolka Sanaag.

Dhismahan cusub ee uu wasiirka waxbarashadu xadhiga ka jaray ayuu madaxweyne Muuse Biixi, ballan qaaday in ay ku darayaan  xilli uu safar ku marayay gobolka Sanaag.

Munaasibadii xadhig ka jarista dhismahan cusub ee lagu soo kordhiyay jaamacadda Hargaysa waxaa ka qayb galay maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Sanaag, isu-duwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Sanaag, maamulka gobolka Sanaag, ka degmadda Ceerigaabo iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo si rasmiya xadhiga uga jaray dhismahan cusub ee jaamacadda Ceerigaabo lagu soo kordhiyay ayaa sheegay in dhismahan uu xadhiga ka jaray uu hore u ballan qaaday madaxweynaha Somaliland .

Wasiir Toorno, ayaa u mahad celiyay maamulka jaamacadda Ceerigaabo iyo shirkadii fulisay dhismahaas oo uu ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee ay u dhistay dhisme tayo leh.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad naqaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ee mashruucan idiin ballan qaaday markii uu idiin yimi, oo imikana hirgeliyay. Guddoomiyaha jaamacadda Ceerigaabo iyo dadka kale ee ka qayb qaatayna waan uga mahad naqaynaa.

Gobolkani waa gobolka ugu weyn Somaliland ee ugu qanisan. Laakiin, dadka degani siday ka dhigaan ayuun buu u ekaanayaa. Qorshaha sanadkan waa in aanu ku darno jaamacadan in la dhamaystiro wixii ka dhiman”.

Cali Cabdi Hurre, guddoomiyaha jaamacadda Sanaag University oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in jaamacadu aad ugu baahnayd dhismaha lagu kordhiyay isagoo u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hirgelinta dhismahan cusub lahaa.

Waxaanu yidhi, “Dhismahan oo ka kooban 3 fasal, iyo lix xafiis, iyo dayrka jaamacadda oo aan isagu dhamaystirnayn.

Aad iyo aad baanu madaxweynaha-na ugu mahad naqaynaa. Markuu gar-waaqsaday in baahidaasi jaamacadda uu daboolo. Taasoo jaamacadana u ah wax weyn oo horumar ah”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY