Wasiirka Wasaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Oo maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday dalka Shiinaha.

0
859

Hargeysa, (HargeisaPress) —Weftigaa oo ka koobnaa Ganacsato iyo Maal-gashadayaal ka socday dal weynaha Shiinaha oo uu hogaaminayey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka China Ambassador Abdi Mohamud Saleebaan iyo gudoomiyaha  Jaaliyadda Somaliland ee Shiinaha ku nool.

 

Ujeedada ugu muhiimsan ee weftigaasi waxay ahayd si ay u indha-indheeyaan fursadaha xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee ka jira dalka JSL.

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ayaa warbixin faah-faahsan weftiga ka siiyey in ummadda reer  Somaliland ay yihiin bulsho caan ku ah  xagga Ganacsiga isla markaana ay  xidhiidhiidh ganacsi oo soo jireen ah la lahaayeen dalka Shiinaha.

59c40caa-95ea-49bb-9573-43b0a64ff8cb

Wasiirku waxa kale oo uu weftiga uga warramay goobta isteraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro Ganacsiga Caalamku. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka warramay fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo  khayraadka dabiiciga ah ee dalka ceegaaga una baahan in la Maal-gashigashado.

 

Ugu danbayn Wasiirku wuxuu ka warramay heerarka ay JSL soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay Somaliland haatan diyaarka ugu tahay uguna  baahan tahay xidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba.

 

Waxa iyaguna dhinacooda muujiyey inay si weyn u danaynayaan inay  helaan fursado iyo  xaalado ay shirkadaha ay wakiilka ka yihiin dalka ku sameeyaan Maalgashi dhinacyo badan leh xubnihii weftiga hogaaminaayey.

ac430d6c-6f85-4b45-912d-2eba3610c2e3

Kulankan maanta ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dalka Somaliland ku sugan yihiin wefti balaadhan oo Arrimaha isu socodka ganacsiga, nabadgelyada iyo xidhiidhka labada dal uu   ku  dhex maray madaxda Wasaaradda Ganacsiga, iyo Maalgashiga caalamiga ah oo ay si wada jira shalay u dhagax dhigeen xubnaha weftiga, Maamulka dekeda Berbera, iyo Wasiirka Wasaaradu taas oo laga hagi doono ganacsiga labada dal ee Somaliland iyo itoobiya ay ka wada hadleen.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here