Weriye Shiine Oo Loo Magacaabay Wakiilka W. Warfafinta Somaliland Ee Turkey

0
644

Hargaysa (HargeisaPress)—Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa C/qaadir Cilmi Kaahin, u magacaabay inuu noqdo wakiilka wasaaradda warfaafinta ee dalka Turkey.

Sida lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.

Iyadoo laga duulayo masuuliyadda baaxada leh ee ay wasaaradda warfaafinta qaranka u haysi, isla markaana loo wanaajiyo loona tayeeyo shaqadda wasaaradda warfaafinta

Gaar ahaana qaybta dibadaha loona helo dad khibrad iyo waayo aragnimo u leh shaqadda.

In wasiirku go’aansaday in Shiine Cilmi Kaahin, loo magacaabo weriyaha wasaaradda warfaafinta uga soo warami doona dalka Turkey.

Wareegtadda uu wasiir Koore ku magacaabay Shiine Cilmi Kaahin, ayaa u dhignayd sidan:

Dhinaca kale weriye C/qaadir Cilmi Kaahi (shiine), ayaa ah khabiir ruug cadaa ah oo muddo ku siman shan iyo toban sanadood ku soo dhex jiray warbaahinta.

Isagoo na bilawgii ka hawl geli jiray magaaladda Hargaysa, kana soo shaqeeyay qaybaha kala duwan ee warbaahintii.

Hase yeeshee Shiine, ayaa sanadahan danbe deganaa wadanka Turkey.

Hargeisa Press.com/Hsrgeisa Office.

LEAVE A REPLY