Wasiirka Shaqadda Oo Caawimo Gaadhsiisay Xarumaha Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba

0
607

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda sahqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa caawimo kala duwan gaadhsiisay qaar ka mida xarumaha ay ku jiraan dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku yaalla magaaladda Hargaysa.

Hinda Jaamac Gaandi, ayaa xoolo nool iyo raaashin iyo qalabka Dawaarka waxay gaysay xarunta Sahan  iyo xarunta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee magaaladda Hargaysa.

Wasiirka waxaa kaalmadaasi kala duwan ka gudoomay masuuliyiinta xarumahaasi oo uga mahad celiyay caawimadda ay soo gaadhsiisay dadka xanuunadda dhimirka qaba ee xarumahaas ku jira.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Wasiirka iyo Masuuliyiinta Xarumahaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here