Wasiirka Shaqada Somaliland oo Ku Kacday Talaabo Dhaawac Ku Ah Dawladnimada

0
3606

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa fasaxday dhamaan shaqaalaha wasaaradaasi.

Wasiir Hinda ayaa ku sababaysay fasaxa shaqaalaha wasaaradeeda xanuunka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavuris.

Sidoo kale, wasiir Hinda ayaa ku kacday talaabo dhaawac ku ah dawladnimada, iyadoona shaqaalaha dawlada Somaliland aan ilaa iyo hada wax fasaxa la gelin.

Waxa ay wasiirka wasaarada Shaqadu sidaasi ku sheegtay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress.com.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here