Wasiirka Qorshaynta Somaliland iyo Ergayga Qaramada Midoobay Maxay ka Wadahadleen?

0
340

Hargeysa (HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan, ayaa kulan la yeelatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isla markaana waxay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed, horumar iyo hufnaan iyadoo lagu salaynayo wada shaqaynta.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka Kaltuun Sheekh Xasan, ayaa sidaa ku sheegtay qoraal kooban oo ay ku baahisay baraheeda bulshada caawa, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidatan:-

“Waxaa nagu soo booqday Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka maanta (05.02.2025) Ku-simaha Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobay, Mudane James Swan iyo wafti uu hogaaminayo.

Ergayga waxaanu kawada hadalay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed loona samayn lahaa hanaan hufan oo lagu horumariyo mashaariicda dalka Somaliland.” Sidaa ayey qoraalkeeda ku tidhi Wasiir Kaltuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here