Hargeysa,(HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltun Sh. Xasan Cabdi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wakiillo sare oo ka socda Xafiiska Horumarinta Denmark ee DANIDA, oo uu hoggaaminayo Mr. Mathias Kjaer, wakiilka Xafiiska Denmark ee Somaliland.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Denmark, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund – SDF). Labada dhinac waxay isla garteen in la sii xoojiyo wada shaqaynta iyo taageerada mashaariicda socda, iyo sidoo kale in la dardargeliyo bilowga wajiga saddexaad ee Sanduuqa SDF oo la filayo inuu dhawaan si rasmi ah uga bilaabmo gobollada Somaliland.
Wasiir Kaltun ayaa uga mahadcelisay xafiiska DANIDA doorka muuqda ee ay ka qaataan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo kor u qaadista hay’adaha dawladda. Sidoo kale, waxay xustay muhiimadda ay leedahay sii wadista taageerada horumarineed si looga midho dhaliyo himilooyinka horumarineed ee Qaranka.
Dhankiisa, Mr. Mathias wuxuu caddeeyay in dawladda Denmark ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Somaliland, isla markaana ay ka go’an tahay in la horumariyo wada-shaqeynta iyo hirgelinta mashaariic horumarineed.
Wasiir Kaltun iyo Mr. Mathias ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga laba dhinac, lagana shaqeeyo qorshayaal waxtar leh oo lagu horumarinayo dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Somaliland.
HargeisaPress News Desk – Hargeysa