Hargeysa,(HargeisaPress)–Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud, Md Maxamed Siciid Maxamuud iyo la taliyaha Wasiirka ee haayadaha Islamiga Md Cabdale Maxamuud ayaa maanta kormeer qiimayn iyo indho-indhayn ku soo maray qaar kamid ah mashaariicda horumarineed ee ay magaalada Hargeysa ka fulinayso Hay’adda African Relief Committee (ARC).
Sida uu farayo waajibaadka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, oo ah in ay qiimayn iyo dabagal ku sameyso dhamaan mashaariicda horumarineed ee dalka laga fulinayo, kormeerkan ayaa lagu xaqiijinayey heerka ay marayaan mashaariicdan iyo sida ay ula jaanqaadayaan qorsheyaasha horumarineed ee Qaranka.
Masuuliyiintu waxay si gaar ah u booqdeen dhismaha cusub ee Hargeisa International Hospital, kaas oo haatan maraya heer gabogabo ah. Madaxda sare ee ARC ayaa warbixin ka siiyey heerka dhismaha iyo horumarka mashruuca.
Sidoo kale, waxay booqdeen Xarunta Waxbarashada ee ARC ay ka hirgalisay magaalada Hargeysa, iyagoo warbixin ka dhageystay maamulka xarunta si loo qiimeeyo saamaynta ay ku yeelan doonto dadaallada horumarineed ee dalka.
Ugu dambayn, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyey hay’adda ARC dadaalka ay ku bixinayso mashaariicda horumarineed, iyagoo xusay in Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku ay sii wadi doonto dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee dalka.