Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Masuuliyiin ka socda Mashruuca SomReP + SAWIRRO

0
151

Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltun Sh. Xasan Cabdi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud, Md. Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay masuuliyiin ka socda Mashruuca Somali Resilience Program (SomReP), oo ay hogaaminayso Sabina Kamau, Regional Program Coordinator-World Vision International.

Masuuliyiinta SomReP ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey wasiirka iyo agaasimaha guud waxqabadka mashruuca iyo saameynta togan ee uu ku yeeshay bulshada.

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta mashruuca dadaalkooda iyo sida ay u wadaan hirgelinta barnaamijka. Sidoo kale, Wasiir Kaltuun ayaa la wadaagtay masuuliyiinta, qorshayaasha dowladda ee horumarinta, waxayna xustay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada horumarineed iyo mashruucyada socda si loo gaadho horumar waara.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Wasaaradda iyo SomReP, si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here