Wasiirka Maaliyadda Oo Tababar U Furay Khasnajiyadda Cashuuraha Berriga

0
683

Hargaysa (HP): Wasiirka wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shirre, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay tababar ku saabsan nidaamka cashuur qabashadda ee waaxda cashuuraha Berriga.

Tababarkaasi ayaa  loo qabtay Khasnajiyadda ka hawl galla xafiisyadda goboladda iyo degmooyinka dalka ee waaxda cashuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Waxaana tababarkaasi soo qaban qaabisay waaxda cashuurraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda, waxaana ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo agaasime-waaxeedyadda wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkaasi oo socday muddo hal maalin ah ayay u jeedadiisu ahayd  mid khasnajiyadda wasaaradda Maaliyadda lagu tababarayay macluumaad la xidhiidha arrimaha cashuuraha sida, Tacriifadaha cashuuraha, hageyaasha khasnajiga.

Xeerka anshaxa shaqaalaha, warqadda dhawrista xogta iyo wax ka bedelka cashuuraha waddo-marista iyo waxyaabo kale.

Sida uu sheegay agaasimaha waaxda cashuurraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda C/salaam Maxamed Maxamuud, oo faahfaahin ka bixinayay u jeedadda kulankaasi.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shirre, oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarkaasi ayaa ka waramay muhiimadda uu leeyahay xafiiska cashuur qabashadda iyo shaqadda khasnajiyaddu.

Waxaanu sheegay in Khasnajiyadu ay yihiin Murraayadda laga dheenayo ee ay ku kulmaan muwaadiniinta iyo dawladda, isla markaana looga baahan yahay Khasnajiyadda in ay masuuliyad muujiyaan.

Geesta kale wasiir Sacad Cali Shirre, waxa uu sharaxaad ka bixiyay masuuliyadaha ay qaabilsan yihiin khasnajiyadu iyo sida ay lagama maa-maanka u tahay in ay muwaadiniinta ugu muujiyaan dabacsanaan iyo hufnaan shaqo.

Wasiirka ayaa kula dar-daarmay Khasnajiyadda in ay muhiimadda koowaad siiyaan sidii loo tixgelin lahaa dadka muwaadiniinta ah ee ay cashuuraha ka qaadayaan.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan, oo isna kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa  ka warbixiyay muhiimadda uu tababarkaasi u leeyahay Khasnajiyadda.

Waxaanu tilmaamay in Khasnajiyadu ay yihiin meesha laga dheehanayo inuu ficil isku bedelay nidaamka dib u habanynta maamul wanaaga ee madaxda wasaaradda Maaliyadda.

Gebagebadii kulankaasi waxaa uu wasiirka Maaliyadu shahaadooyin guddoonsiiyay khasnajiyadii ugu shaqadda fiicnaa sanadkii dhamaaday ee 2020-ka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY