Wasiirka Maaliyada C/casiis Samaale Ma Ka CunsriyadBaa Mise Maba’oga Dulmiga Lagu Hayo Shaqaalihiisa

0
1233

maqaalMaqaalkan kooban oo aan kaga hadlayo dhacdooyin ku cusub wasaarada maaliyad Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay mudane Cabdi casiis samaale oo lagu tiriyo inuu kasoo jeedo dagaan ahaan gobolka gabilay ,ayaa waxa wasaarada dhexdeeda ka socoda dulmi lagula kacayo shaqaalaha ka shaqeeya dhexdeeda taas oo aan odhan karo wasiirku ma mooga ama waa u kas. aniga oo aan ka war hayn shaqaalaha guud ahaan balse ogaantay aan ogahay gobolka uu wasiirku ka soo jeedo ee gabilay dadka reer gabilayna ka filayeen inuu dalka iyo dadkaba ugu shaqeeyo cadaalad iyo sinaan maada oo markii u horsay dawlada Somaliland u magacowdo wasaarada maaliyad wasiir ka soo jeeda goloka gabilay balse ay nasiib daro noqotay in wasiir samaale soo kala dhawaysto shaqaalaha maaliyada ee ka soo jeeda gobolka gabilay una kala qaybiyay qaab beeleed ama hayb-hayb uu cidna kor ugu qaadayo cidna hoos u dhigayo. Hadaba habkan ama nidaamkan wasiir samaale la soo baxay ayaa ah mid ay dadkii gobolka gabilay ku sii kala fogaanayaan hadaan laysku iman oo laga wada tashan oo aan laska qabana keeni doona in gobolka guud ahaan isu dhaca ku yimaado oo qolo waliba dhankeeda u tashato imikan waxa socoda saan saanteedii iyo shirar doceedyo laysu arkayo ,layskagana gaashaan buuraysanayo sidii aanay saamayn ugu yeelanin dhamaan dadka reer gabilay gar ahaan beesha ugu balaadhan ee uu wasirku kala dhawaysanayo dhawaan uunbay ahayd markii hal masuul oo kamida cidan cunsurinimadu ku socoto laga soo badalay maamulkii uu ka hayay dagmada caynabo laguna badalay cida uu wasiirku doonayo . Anigaoo maqaalkaygan ka dhawraya kala qaybintan ku salaysan habka cusub ee uu wasiir samaale kula Dhaqmayo beeshan waxaan filayaa in dadku fahmayaan beesha aan sheegay iyo cida cunsuriyada lagu hayo kana dhawraya inaan idiinkala qaybiyo beesha ayaa hadana waxa aad ka dhadhansan kartaan qoraalkaygan oo aan ku soo qaadan doono tusaale aan ugu tala galay in lagu fahmo sida ay tahay in cid gaara lagu naas nuujiyo maamulada kastamada gobolka iyo goobaha dakhli ee ay xaqa u leeyihiin dhamaan shaqaalawaynaha maaliyada waana ku wan hoos ku qoran 1. isu duwaha wasaarada maaliyadagobolaka gabilay iyo baligubadle 2. Maamule ku xigeenka kastamka kalabaydh 3.maamule ku xigeenka kastamka togwajaale 4.maamulaha dagmada dararwayne 5.maamulaha kastamka caasha cado Iyada oo maamulada kastamka kalabaydha iyo wajaale ay maamulaan dad aan dagaan ahaan ka soo jeedin gobolka ayna waajib tahay in shaqaaluhu ka shaqeeyo meel kasta oo somaaliland ka mida ayaa hadan si gaara cid loogu naas nuujinayaa inataa aan kor ku soo sheegay oo ka soo wada jeeda gobolka gabilay ayaa ah isu beel kaliya isuna dhawyihiin agaasimaha daba galka iyo dakhli uruurinta magaciisana layidhaaha khadar indhaleeb oo aan is odhan karno isaga ayaa hoos dhiga wasiirka maaliyada balse masuuliyadeeda waxa iska leh waa wasiirka . Maxaad u malaynaysaa marka uu wasiirku golkuu sheeganayay inuu ka soo jeedo uu sidaa u kala jeclaystay shaqaale waynihii kale ee maaliyada maxaad u malayn Waxaad is odhanaysaa meesha waxa ka jira dulmi aad u badan oo aanu wasiirku war ka hayn maqaalkan maqaalka xigana waxa aan kaga hadli doonaa gobola ka guud ahaan sida dadka lookala qaybiyay , Waxaan ka raaligalinayaa cidkasta oo dhibsata ama is tiraa ninkii odayga ahaa maxaa qaatay ee uu maqaalkan u qoray balse waa khatar ku soo korodhay gobolka oo dagaala waanay ka maarsan wayday inaan qoro.

Allaa Mahadle

Aadan Bilqariye Gabilay

LEAVE A REPLY