Wasiirka Jidadka Oo Kormeeray Waddada Isku Xidhaysa Hargaysa iyo Balli-gubadle

0
621

Bali-gubadle (Hargeisa Press): Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa kormeer ku maray dhismaha waddada isku xidhaysa Caasimadda Hargeysa iyo magaalada Balli-gubadle ee xarunta Gobolka Hawd.

Weftiga Wasiirka ee kormeerka u baxay shalay oo ay wehelinayeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Madaxda Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Maamulka Gobolka Hawd iyo Degmada Balli-gubadle.

Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddadan, qurbo-joog, ganacsato iyo siyaasiyiin kale, iyagoo soo indho-indheeyey qaybaha dhismuhu ka socdo waddadan oo dhererkeedu dhan yahay 64km.

Sheekh Mubaarig Muuse Faarax iyo Maxamed Nuux Jibriil oo ka mid ah Guddida gacanta ku haysa dhismaha jidka isku xidhaya Caasimadda Hargeysa iyo magaalada Balli-gubadle oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay halka uu marayo dhismaha jidkaasi.

Iyagoo xusay in waddadaasi ay muhiim u tahay horumarka dhaqaalaha iyo isku-xidhka Caasimadda Hargeysa iyo degaannada ku yaal dhinaca hawdka Somaliland ilaa bariga dalka Itoobiya, waxayna tilmaameen inay dhismaha waddadan la kaashanayaan bulshada degaanka iyo dowladda Somaliland.

“Waxa aannu maanta qorshaheeda wadnay 11km oo dhismaha waddadan ah, iyadoo aynun 8km iyo 500mitir aad nala soo aragteen, halkan aynu taagannahayna waa 5km iyo 200mitir, waxaanay imminka ciideedii taalaa 2km iyo 600mitir.

Guud ahaan waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Balli-gubadle waa 64km, markaa 64km waxa aannu maanta caro-kaawe dhigaynaa 11km oo ka mid ah, waxaanna ka guddi ahaan noo qorshaysan inta ay waddadu dhammaanayso in aannu anaguna wixii tabarucaadkayaga ah aannu keenno.

Dawladdana ka helno wixii tabarucaad ah ee ay ugu talogashay dhismaha waddadan” Sidaa waxa yidhi xubnaha ku hadlayey magaca Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddada Balli-gubadle.

Masuul ka socday Ururka la yidhaahdo Gurmad Relief oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay urur ahaan si weyn uga qaybqaateen dhismaha waddada Hargeysa ilaa Ball-gubadle, isla markaana ay ilaa hadda geliyeen lacag dhan $130 kun oo doollar, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay ka sii qaybqaataan waddadan ilaa inta laga dhammaystirayo.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay xubno isugu jiray qurbo-joog, ganacsato iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaasoo dhammaantoodba bulshada ugu baaqay in dhexda loo xidho sidii loo dhammaystiri lahaa waddada u dhexaysay Hargeysa iyo Balli-gubadle oo dhererkeedu dhan yahay 64km.

Halka sidoo kale ay dowladda Somaliland ka codsadeen inay sii labanlaabto dedaalka loogu jiro dhammaystirka waddadaas oo ay xuseen inay tahay mid muhiim ah oo Somaliland ku xidhay degaannada bariga dalka Itoobiya.

Maayirka magaalada Balli-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac,  oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi; “Waxa aynu joognaa waddada Balli-gubadle oo waddadani in badan ayey soo jiitamaysay, waxaanna imminka socda 11KM.

Markaa waxa aan halkan ku wareejinayaa ballanqaadkii aan ballanqaaday ee ahaa $10 kun oo doollar ee saacadda jaraysay ee 100-ka saacadood ahayd, waxaanan ku wareejiyey Guddida waddadan.”

Waxa kaloo goobtaas hadal ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Hawd Yaasiin Maxamuud Shide, oo sheegay in dhismaha iyo dhammaystirka jidadkani uu u baahan yahay in laga wada qaybqaato.

Waxaannu yidhi; “Waxa aan u mahadnaqayaa dhammaanba cidkasta oo ka qaybqaatay waddadan bilawgeedii iyo socoshadeeda ay imminka socotaba.

Waxa kaloo aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka go’an tahay in gobolkasta oo Somaliland ah inuu helo xuquuqdiisa, haddii ay ugu horayso waddo, caafimaad, biyo iyo waxbarasho oo mid walba ay ka go’an tahay inuu helo.

Markaa innaguna (Gobolka Hawd) waxaynu ka mid nahay gobollada ugu horeeya oo marka koowaad iyo mar labaadna waannu u mahadnaqaynaa Madaxweynaha.”

Wasiirka Horumarinta Maalgashiga Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), oo isna goobta hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in waddooyinku yihiin waxyaabaha fududaynaya in dalku helo dhaqaale iyo maalgashi xooggan.

Waxaannu yidhi; “Runtii waan ku hambalyeynayaa shacabka halkan ku dhaqan iyo guddidaba oo waxa aan leeyahay waxa aad samayseen wax aad tusaale ugu tihiin Gobollada kale ee dalka. Culayska ay leedahay iyo faa’iidada ay leedahayba.

Marka la isku tashado qurbo-joogta iyo dadka degaankuba iyo ganacsatadaba, waxa isku-tashigaasna ka dhasha waddadaas quruxda badan ee aynu soo marnay.”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo ka hadlay dhismaha waddada Balli-gubadle, ayaa sheegay in waddadani ay tahay mid muhiim ah oo u baahan in laga wada qaybqaato sidii loo dhammaystiri lahaa, isagoo sidoo kale ammaan u jeediyey bulshada ku dhaqan Gobolka Hawd ee ay xaruntiisu tahay Balli-gubadle.

“Gobolka Hawd runtii waa gobol ficil leh, waana gobol horena u dedaalay oo qaranka iyo qarannimada halka uu kaga jiray waad garanaysaan oo waynu wada garanaynaa inuu yahay gobolkii halganka.

Imika waxa uu ku darsaday inuu noqdo gobolkii iskaashiga oo waxa aad arkaysaan waddada intaas leeg marka la qiimeeyo ama la qaybiyo waxa aad odhan kartaa waa kala badh oo Xukuumaddii iyo Gobolkuba way is-ceshanayaan,” ayuu yidhi Wasiir Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo ugu dambayntii halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Balli-gubadle.

Isagoo xusay in waddooyinku yihiin waxyaabaha ugu adag ee dhismahooda laga shaqeeyo.

“Runtii anaga waa noo farxad in aannu nimaadno munaasibad noocan oo kale ah, markaa waxa aan jecelahayba arrintani waa shaqo socota, waxa la qabtana waxa ugu adag waa waddooyinka.

Balse waxa aynu nahay bulsho ku fiican isku-tashiga oo anigu maan arag caalamka ama Soomaalida bulsho runtii tidhaahda; ‘waddo ayaannu dhisaynaa.

Sababtoo ah waddado waa kaabayaasha dhismahoodu ugu adag yahay oo mar waxa la odhan jiray; ‘dowlad shidaal leh ayuun baa waddo dhisan karta ama dowlad ay caawiso.

Laakiin Somaliland waxay tustay caalamka in aynu innagu wax qabsan karno oo waddooyin dhisan karno,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi  “Waxa kaloo sharaf idiin ah oo aan jecelahay in aan idinku ammaano, idinkuna bogaadiyo in afarta waddo ee ka socda Hargeysa.

Waxay waddadani ahayd waddadii ugu dambaysay ee la bilaabay, anagu Wasaarad ahaanna waxa aannu ognahay inay tahay waddada ugu dedaalka badan leh.”

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY