Wasiirka Jidadka Oo Iska Difaacay Eedo Uga Yimid Hogaamiyaha Waddani

0
1297

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka horumarinta jidadka Somaliland C/laahi Abokor, ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha jidka Ceerigaabo.
Waxaanu sheegay in muddo laba sanadood ah oo uu wasaaradda jidadka joogay la dhisnay 101 KM oo jidka Ceerigaabo ka mid ah.
Iyadoo 101 KM ay ku baxday lacag dhan 8 milyan iyo 800 oo dollar.
Halka xiligii xukuumadii Axmed Siilaanyo ay dhistay 94 KM oo jidka Ceerigaabo ah, isla markaana ay ku baxday lacag dhan 22 Milyan oo dollar.


Waxaan weli waxba laga qaban 38 KM oo ka mid ah jidka Ceerigaabo.
Wasiir C/laahi Abokor, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa iska difaacayay dhaliilo uga yimid hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Geesta kale wasiirka ayaa tilmaamay in ay gaadiid fara badan oo nooca waaweyn ah ay u soo ibiiyeen jidka Ceerigaabo.

Daawo: Wasiirka oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here