Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Ku Fashilmay Soo Afjarida Khilaafka Golaha Deegaanka Gabiley iyo Sababta 5 Xildhibaan U Dideen

0
792

Gabiley (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Isgaadhiinta Somaliland Dr Cabdiwali Suufi JIbriil oo ah masuulka wakhtigan Xukuumada dhexe u matala gobolka Gabiley ayaa dhawaan isaga oo ay weheliyaan xubno Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada ay galeen dhex dhexaadinta khilaafka golaha Deegaanka Gabiley oo xiligaasi sababay in xabsiga la dhigo lix xildhibaan oo kamida golaha deegaanka Gabiley, balse markii dambe lagu siidaayay dhex dhexaadinta Wasiirka Isgaadhsiinta iyo xubnihii weheliyay.

Sidoo kale, Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Isgaadhsiinta ay magaalada Gabiley shir jaraa’id ku wada qabteen gudida uu hormuudka ka yahay, Maayirka Gabiley iyo Xildhibaano kamida kuwii khilaafku u dhexeeyay Maayirka halka ay goobta ka maqnaayeen shan xildhibaan oo kamida kuwii gudidu isku xil saartay xalinta khilaafkooda oo Afar kamid ahi yihiin Xildhibaanadii xadhiga laga soo daayay.

Wallow uu wasiirka Isgaadhtiisu shaaciyay in la soo afjaray khilaafkii golaha Deegaanka Gabiley, isaga oo uu ku lamaanaa Xildhibaan Cabdilaai Black oo isna ah mudanaha Baarlamaanka u matala gobola Gabiley ee ku abtirsada Xisbi Xaakimka Kulmiye.

Wasiirka ayaa marna hadalkiisa ku darin in ay jiraan Xildhibaano diiday heshiiskan taasi oo markii shacabku daawadeen warkan iyo xaqiiqada jirta abuurtay dareeno kala duwan .

Xidhibanaada ka soo horjeestay soo afjarida khilaafka golaha deegaanka Gabiley ayaa kala ah:

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Faarax

Xildhibaan Maxamed Aamin Cali

Xildhibaan Xasan Maxamed Axmed Dhagjar

Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor.

Go,aanka uu shaaciyay Wasiirka Isgaadhsiintu iyo xaqiiqada xal u helida khilaafka golaha deegaanka Gabiley ayaa daboolka ka qaaday in xubnahani ku fashilmeen dhamaystirka arinta, iyadoo dhanka kale bulshada tustay awooda siyaasadeed ee Wasiirka, wallow Xildhibaan Cabdilaahi Black ay shacabka reer Gabiley iyo Deegaanadii laga soo doortayba ogyihiin waxa u galo iyo waxa uu gudo saamaynta aanu ku lahayd xataa beeshii soo doortay.

Xubnahan xukuumada ka socday ee ku guuldaraystay in si rasmiya ay u xaliyaan khilaafkan iyadoo dhanka kale Xildhibaanada diiday heshiiska ay isku jufo hoose yihiin Wasiirka Isgaadhsiinta  iyo Xildhibaan Cabdilaahi taasi oo iyana guuldaro siyaasadeed ku ah xubnahan in ay shantan Xildhibaan ku qanciyaan waxa ay ku qanciyeen lix Xildhibaan oo kamida garabkoodii oo iyagu aqbalay heshiiska iyo sidoo kale Maayarkuba .

Gobolka Gabiley oo kamid ah goboladii sida wayn u taageeray guushii Madaxwayne Biixi ee Doorashada ayaa wakhtigan waxaa xukuumadiisa gobolka u matala Wasiirka Isgaadhsiinta oo aan wax bada ka fahansanayn siyaasada dalka islamarkaana aan wax saamayn ah ku lahayn gobolka Gabiley oo wakhtigan laga dareemayo guux mucaaridadeed saluugna ka qaba hanaanka Madaxwayne Biixi wax u wado iyo saamiga uu ka siiyay Xukuumadiisa marka loo eego dhigooda jufadiisa  hoose ee Madaxwaynaha iyo kuraasta uu ku taxay oo sedex jeer ka badan kuwa uu siiyay gobolka Gabiley.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Isgaadhsiinta ayaa mudadii uu xilka hayay markii ugu horaysay galay arin ka taagan gobolka uu xukuumada u matalo ee Gabiley, taasi iyana uu ku guuldaraystay dhamaystirkeeda waxay talaabadani daliil u noqonaysaa kartida Wasiir  Cabdiwali oo sababi karta in Xukuumada Madaxweyne Biixi ka faro baxaan shacabka taageerada badan u hayay ee reer Gabiley.

 

Hargeisa Press.com/Gabiley Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here