Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Heshiis La Saxeexday Dhigiisa Djibouti

0
744

Djabouti (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa heshiis la saxeexday wasiirka wasaaradda warfaafinta, Boosta iyo Isgaadhsiinta ee dalka jamhuuriyadda Djibouti.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. CabdiWali Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil, iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku joogay dalka Jabuuti, kadib markii ay marti qaad ka heleen dhigiisa Jabuuti.

Waxaanay mudadii ay Jabuuti ku sugnaayeen oo saddex maalmood ahayd ay shirar iyo kulamo la yeesheen masuuliyiinta arrimaha isgaadhsiinta, boosaha iyo tignoolajiyadda u qaabilsan dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxay booqdeen qaar ka mida goobaha kala duwan ee ku shaqadda leh dhinacayadda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda oo ay ka mid ahayd xarunta Boosaha ee dalka Jabuuti iyo meelo kale.

Kulamadaas iyo kormeeradaas ka dib labadda waxay kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo nuxurkiisu yahay in labada dawladood iska kaashadaan adeegyada boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda.

Heshiiskaasi waxaa dhinaca Jabuuti u saxeexay wasiirka warfaafinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Djibouti Mudane Cabdi Yuusuf Suge, halka dhinaca Somaliland-na uu u saxeexay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. CabdiWali Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. CabdiWali Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil, waxaa weftigiisa xubno ka ahaa agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar iyo agaasimaha Waaxda Boosaha Maxamed Cabdikariim.

Geesta kale booqashada weftiga wasiirka Boosaha Somaliland waxaa ku wehelinayey safiirka Somaliland u fadhiya  dalka Jabuuti CabdiFataax Siciid iyo safiirka Jabuuti u jooga Hargaysa Xuseen Cumar Kawaaliye.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY