HARGEISA , (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga Mudane, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaamadaarka caasimadda Hargeysa ku sagootiyey wefti Itoobiyan ah oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Somaliland.
Wasiirka ayaa kulan dardaaran iyo sii sagootin ah kula qaatay guddi farsamo oo ka koobnaa khubaro, aqoon-yahanno,maamulka sare ee dekkedda Berbera iyo agaasimayaal guud oo Xukuumadda Somaliland u matalayey wadahadaladiiarrimaha Ganacsiga, Transit-ka, arrimaha nabadgelyada ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo DawladdaFederaalka Ethiopia. Wasiirku wuxuu weftiga kula sii dardaarmay inay wax walba ka hor mariyaan danaha iyomaslaxadaha uu leeyahay qaranka Somaliland.
Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga oo ka hadlay ka hor intii aanay masuuliyiintaasi ka dhoofin garoonka Cigaal Airportayaa ka war bixiyey safarka iyo ujeedadiisa “Weftiga halkan jooga ee aqoon-yanadda iyo masuuliyiinta kale ee qarankawaxay diyaar u yihiin inay u duulaan dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya halkaas oo ay wada hadalo kula gali doonaanxukuumadda Itoobiya, wada hadaladaasi waxay quseeyaan arrimaha Transit-ka, hawlaha kale ee nabad galyo, kuwa is-kaashi iyo kuwa Dekadda ee Somaliland doonayso inay kala hadasho dawladda Itoobiya waana wada-hadalo hore usocday”
Wasiirka ganacsiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray”29 February shir weyna ayaa waxa uu ka dhacaymagaaladda Berbera, shirkaa waxaa lagaga hadlayey arrimaha ganacsiga, iskaashiga iyo arrimaha aynu soo sheegnay.Guud ahaan waa koox u darban diyaarna u ah inay danaha iyo maslaxadaha qaranka Somaliland wax walba kahorumariyaan ayna difaacaan meesha danta qaranka somaliland ku jirto waxaanan ku kal soonahay boqolkiiba boqolragaa aqoon-yahanada ah iyo masuuliyiinta kale ee qaranka ee halkan joogaa inay yihiin kuwii maanta dalku u baahan,markaa mudanayaal waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad danta qarankeena wax walba ka hor-marisaan, bi’idni lahaaidinka oo guul sidana aanu dalka idin ku soo dhaweyn doono”
HargeisaPress News Desk — Hargeysa