Wasiirka Duulista Somaliland Oo Ka Hadlay Saamaynta Uu Qaadku Ku Yeeshay Madaarka Cigaal Iyo Maamulka Hawada Sare Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Muran Ka Taagan Yahay Wareejintiisa

0
990

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe oo ay saaka Xafiiskiisa ku booqdeen aar ka mid ah Warfidiyeenka Somaliland ayaa warbixin ka siiyey Dhulka koofurred ee Madaarka Hargaysa oo Madaxweynuhu xayiray 1200 oo Miter oo ka baxsan Xayndaabka Madaarka Cigaal International Airport , Qaadka ka soo dega  Madaarkaas iyo arimo khuseeya Hawada Sare.

Wasiirka oo ka hadlaaya qaabka uu Madaxweynuhu u xayiray dhulkaas ayaa yidhi:-“horta Dhulka waxa maamusha Wasaarada Hawlaha Guud sida xeerarka Qaranku sheegayaan waana Hanti Qaranku leeyahay anaga waxa uu naga soo gelayaa waa raadkaa uu Madaarka ku leeyahay ee Madaarka loo joojiyey, runtii Wareegto ayuu  hore uga soo saaray Madaxweynuhu, Wareegtadaasi waxa ay sheegaysaa inaan 1200 Miter loo so jirsanin Dhulka koonfureed ee Madaarka, sababta Madaxweynuhu u lexejeclaynayeyna wax kale may ahayan in aanu  noqonin Dhulkaasi hadii Madaarku Maanta hal Runway ayuu leeyahay, Diyaaradaha yimaada waad ogtihiin waanay soo kordhayaan, Diyaarado badan oo caalami ah ayaa iminka naga soo dalbaday in aanu siino ogolaanshiiyo oo wadahdalkii noo socdaa, Markaa Marksta oo Diyaaraduhu soo kodhan Maadaama aynu nahay Dalka Aduunka Aqoosi ka raba oo soo jiidanaaya indhaha aduunka, afaafka laga soo galayaana waa Madaarada, Madaarku waxa uu u baahan yahay Runway labaad in la sameeyo, in la sameeyo dhabo labaad oo Diyaaraduhu ku dagaan (Runway)  Dhulka laga samayan karayaana maaha Dhulka maanta Madaarku leeyahay ee u Xayandaaban, waxa qay ka ah Dhulka ka baxsan, waxanaan  qirayaa Dhulkaa in Dad Shacab ahi leeyahay, Dhulkaa wixii Xayandaabka ka baxasan ee 1200 ee Miter ah ee Madaxweynuhu xayiray, Dad Shicib ah Hantidoodii weeye oo iyaga ayaa iska leh, Dawladduna kuma haysto oo ma laha lahaanshiyihiisa, kumana muransana .

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiidhi:-“Laakiin waxa la isweydiinayaa waxa weeye waar Dhulkaasi waxa uu anfacayaa Madaarkee, hadii hada dhisme loo ogolaado, taasina waxa ay noqonaysaa dee biri hadii Madaarka la is yidhaa balaadhiya in Xaafadanba laga raro oo Hargaysa laga raro, taasina qiimo weyan ayey nagu tagaysaa, markaa waxa uu Madaxweynuhu Wareegtada ku soo saaray in aan dhulkaa wax dhisme ah oo rasmi ah laga dhisi Karin”.

Wasiirka oo ka hadlaaya Qaadka ka soo dega Madaarka Hargaysa ayaa yidhi:- “qaadku waa hadimo dhaqaale, caafimaad iyo mid bulsheedba runtii saamayntiisu mar walba waa mid muuqata maalmihii hore waxa iman jiray afar diyaaradood oo qaadka inta badan ka keenayay Nayroobi. Runtii saamayn buu leeyahay shirkadaha ka shaqeeya laftooda dhib ayaa ka haysa laakiin waxaanu isku daynay inaanu u samayno hab aanu ku xakamayno markaa waxaanu u samaynay barking gaara oo Diyaaradaha qaadku istaagaan laba gaadhi oo qudha ayaa loo ogolyahay waxaanay soo galaan qaybta kastamka shirkada qaabilsan adeega kasoo rogista iyo rarista ayaa kasoo rogta dabadeedna kastamka ayaa laga cashuuraa. Runtii Madaar ahaan cuslays na soo fuulay ma jiro”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay mudada uu kasoo degi doono Madaarka Hargeisa iyo hadii uu sii socdo halka ay u wareejin doonaan waxaanu yidhi:-“runtii xaqiiqatan waa  kumeel gaadh hadii uu sii socdo waxaanu ka fekeraynaa inaanu Madaarada kale mid u wareejino waayo Madaarka Hargeisa waa Madaar caalamiya oo waxa yimaada diyaarado caalamiya markaa hadii diyaaradaha qaadku soo kordhaan saxmadaa badan uma fiicna Madaarka kaasi waa qorshahayaga labaad laakiin ilaa imika waa ku meel gaadh, Waayo marka  horeba si kumeel gaadha ayaa loo fasaxay qaadka miirooga lagama ogolayn inuu soo galo Somaliland marka laga reebo lasacaanood”

Wasiirku waxa uu iftiimiyey in aanay jirin Hawo Somaliya lagu wareejiyey, waxaana uu yidhi:- “waxaan cadaynayaa ma jirto Hawo cid lagu wareejiyay ICAO idinkuba toos baad ula xidhiidhi karaysaan markaa ICAO ayaa maamusha Hawada weli ilaa imika ma jiro qalab shaqaynaya oo lagu maamulo Hawada oo la geeyay muqdisho qalabkii maalintii dhawayd la soo bandhigay waxa uu ahaa Saadaasha Hawada (metrology), metrology iyo Aviation waa labo shay oo kala duwan. Waxaan jeclahay inaan xaqiijiyo inanay jirin cid Hawada lagu wareejiyay hawadana ilaa hada laga maamulo Nayroobi qalabkaasina waxa uu ahaa metrology kuwoodii oo la midana waxaanu ku rakibaynaa Hargeisa imika waxa la dhigayaa seeskii.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY