Wasiirka Duulista Somaliland Kormeer ku Tagay Madaarka Diyaaradaha Burco

0
158

Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa gaadhay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Taliyaha Booliiska ee Gobolka.

Wasiirka Duulista Somaliland Kormeer ku Tagay Madaarka Diyaaradaha Burco.

Wasiirka iyo waftigiisu waxa ay kormeer ku mareen Madaarka Burco qaybihiisa kala duwan, iyaga oo kulan la qaatay Maamulaha Madaarka iyo Shaqaalaha Madaarka Burco.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu la kulmay Guddida Dib-u-dhiska Madaarka Burco oo warbixin ka siiyay Wasiirka qorshihii dib-u-dhiska Madaarka iyo halka uu marayo.

 

HargeisaPress News Desk 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here