Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo horumarinta Madaaradda Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, ayaa waxaa uu maanta booqasho ku tagey Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim ee magaalada Hargeysa.
Booqashadan Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa ku beegneyd 10-ka May, oo Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u asteeyey “Maalinta Iskaalmaynta Shacabka Somaliland”, taasoo la qaban doono sanad kasta.
Intii uu booqashada ku jirey, Wasiirku waxa uu la kulmay maamulka iyo macallimiinta iskuulka, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan baahiyaha degdegga ah ee dugsiga.
Wasiirka, ayaa waxaa uu ugu yaboohay Dugsiga inuu wax ka qaban doono baahiyahaas oo kala ahaa;
1. Dayactirka qaybo ka mid ah dhismaha iskuulka.
2. Qalabaynta xafiiska maamulka.
3. Qalabayn Hal fasal.
4. Rakibidda CCTV Security Cameras.
Wasiirka, ayaa waxaa uu ujeediyay ardayda hadal isugu jira dardaaran iyo dhiiri-gelin, isagoo xusay in arday waliba uu noqon karo qofka uu doonayo, waxa ka xigaana yahay dedaalkiisa.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, ayaa wuxuu galay Fasalkii uu wax ku baran jiray, isaga oo fadhiistay kursiga yaala goobtii uu fasalka ka fadhiisan jiray.