Ceerigaabo (HargeisaPress)– Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ayaa maanta gaadhay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada Wasiiru-Dowlaha Amniga, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sanaag, Maayarka Ceerigaabo iyo Taliyaha Booliiska ee Gobolka.
Wasiirka iyo waftigiisu waxa ay kormeer ku mareen Madaarka Ceerigaabo qaybihiisa kala duwan, iyaga oo kulan la qaatay Maamulaha iyo Shaqaalaha Madaarka Ceerigaabo.
Sidoo kale Wasiirka iyo xubnaha la socday waxa ay kulan gaar ah la qaateen Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo ee Gobolka Sanaag oo ay ka wada hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dhismaha Madaarka Ceerigaabo. Guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo Maayarka Ceerigaabo ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay hore uga qayb-qaateen dhismaha Madaarka Ceerigaabo maantana ay diyaar u yihiin inay kaalintooda qaataan.