Wasiirka Degaanka oo Ka Dayrisay Ugaadhsiga Duur Joogta

0
487

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland, ayaa sheegtay in xaalufka iyo Dhuxulaysiga ka jira waddanka uu dhibaato ku yahay dalkeenna.

Waxaanay wasiirku intaas raacisay in sidoo kale arrimahaasi ay weheliso dhibaatooyinka lagu hayo ugaadhsiga sharci darrada ah ee duur joogta.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil, oo maanta kulan la qaadatay gudiga joogta ah ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kadib markii kulanku u soo dhamaaday waxay warfidiyeenadda uga warbixisay waxyaabihii kulankaasi ay iskula soo qaadeen.

Waxaanay sheegtay wasiirka Degaanku in ay guddiga warbixin balaadhan ka siisay xaaladda guud ee uu ku sugan yahay degaankeeenu.

Wasiirka ayaa si gaar ah u soo qaadatay xaalufka iyo Dhuxulaysiga ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka lagu hayo duur joogta.

Si dhibaatooyinkaasi wax looga qabto ayaa wasiir Shukri Baandare, waxay gudiga ka codsatay inay dib u eegis lagu sameeyo shuruucda ilaalinta Degaanka iyo guud dhibaatooyinka lagu hayo Degaanka.

Waxaanay wasiirku soo jeedisay in si wada jira looga shaqeeyo ilaalinta Degaanka, iyadoo la iska kaashanayo shacab iyo dawlad ba.

Wasiirka waxa kaloo ay sheegtay inay guddi hoosaadka joogtadda ee golaha Wakiiladda ka wado arrinsadeen horumarinta arrimaha degaanka dalka, isla-markaana ay uga warantay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradaasi iyo mustaqbalka dhaw waxa uu qorshahoodu yahay.

Geesta kale, wasiir Shukri Baandare, oo ay warbaahintu wax ka waydiisay Dabkii dhawaan ka kacay degaanka Gaacidh ee buurta Daallo ee gobolka Sanaag, waxay sheegtay in ay tahay markii saddexaad ee deegaankaasi dab ka kaco.

Wasiirka, ayaa xustay in ka wasaarad ahaan kaalintooda ay ka qaateen demintii Dabkaasi, waxaanay xustay in sidoo kale degaamadda goboladda Saraar iyo Saaxil, uu Dab ka kaxo Kaymaha xaxiliyadda ay dabayluhu dhacayaan.

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda Degaanka ayaa dadka Dhuxuleysatada dalka iyo reer guuraagaba kula dar-daarantay in goobaha dhul kaymeedka ah aanay wax Dab ah kaga tegin si loo bad-baadiyo deegaanka iyo shacabkaba.

Gabagabadiina wasiirku waxay bulshada Dhuxuleysatada ah kula dar-daarantay in geedka Garan-waaga Dhuxul ahaan loo adeegsado, si ay u nabad-gasho dhirta wadaniga ahi.

 

LEAVE A REPLY