Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Qaabishay Wefti Safiirro iyo Khubarro Caalami ah

0
301

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa kulan la yeelatay wefti balaadhan oo ka kala socday dawladaha caalamka ee taageerra Somaliland.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/kariin Aadan Cadde, iyo masuuliyiin kaloo wasaaradaasi ka tirsan.


Weftigani oo maalmahanba booqasho ku joogay caasimadda Hargaysa, ayaa ka kala socday Safaarrado kala duwan oo ka mid wadamadda saaxiibadda la ah Somaliland iyo qaar ka mid ah haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Kulankaasi dhex maray wasiirka deegaanka Somaliland iyo safiirradaasi ayaa laga wada hadlay dhibaatooyinka deegaan ee ka jira Somaliland iyo weliba dhibaatooyinka ay sababaan isbedelka cimiladda.


Dhankooda na weftigani ayaa si aad ah u soo dhaweeyay uguna bogaadiyay Somaliland Hal-ganka ay ugu jirto ilaalinta iyo daryeelka deegaanka.
Waxaanay balan qaadeen inay xukuumada Somaliland kala shaqayn doonaan arrimo badan oo khuseeya deegaanka iyo weliba dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka Cimilada.
Maadaama oo isbedelka cimiladu uu saamayn weyn ku yeeshay guud ahaanba deegaanka wadamo badan oo caalamka ah, dunidu na ay waayadan danbe si weyn uga shaqayso hawlaha wax ka qabashadda isbedelka cimiladda.


Si kastaba ha ahaatee, kulan dhex maray wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland iyo weftigani ayaa ku soo dhamaaday is-fahan, iyadoo na labada dhinac isla qaateen sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta deegaanka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY