Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Kulan La Yeelatay Haweenka Ceel-Afweyn

0
1049

Ceel-Afweyn (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa magaaladda Ceel-Afweyn kulan kula qaadatay haween weynaha degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka mida ergadda wasiirrada ah ee hawlaha nabadaynta beelaha u jooga degmadda Ceel-Afweyn ayaa haweenka ay kulanka la yeelatay ka tirsan guddi haween ah oo qayb ka ah hawlaha nabadaynta beelaha.

Marwo Shukri Xaaji Baandare, ayay haweenkii ay la shirtay waxay iska xog waraysteen dariiqa ugu haboon ee loo mari karro adkaynta nabadgeliyadda deegaanka Ceel-Afweyn iyo doorka ay haweenku ka qaadan karaan hawlaha nabadaynta ee socda.

Waxaanay wasiir Shukri Baandare, ku bogaadisay haween weynaha degmadda Ceel-Afweyn sida ay nabadaynta uga qayb qaadanayaan iyo kaalinta muxtarimka ah ee ay markastaba haweenku kaga jiraan adkaynta iyo ilaalinta nabadgeliyadda.

Geesta kale haweenkii ay kulanka la yeelatay wasiirku ayaa iyagna dhinacooda uga mahad celiyay sida qiimaha iyo sharaftu ku jirto ee ay isku xog waraysteen iyo sidoo kale muhiimadda ay siisay in ay haween ahaan kulan la yeelato.

Dhinaca kale waxaa weli soconaya dedaaladda nabadaynta beelihii hore ugu dirriray deegaamadda ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, iyadoo ay halkaas muddo dhawr bilood ah hawlaha nabadaynta u joogaan xubno isugu jira wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, siyaasiyiin, waxgarad iyo madax dhaqameed.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

 

LEAVE A REPLY