Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo 50,000 Oo Geed Kala Wareegtay DDS Itoobiya

0
391

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa maanta dhir aad u fara badan kala wareegtay xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhirtaasi oo tiradeedu gaadhayso 50,000 oo geed ayaa baabuurtii siday waxay maanta soo gaadheen magaaladda Hargaysa, kuwaasoo ka soo kicitimay magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaana dhirtaasi si rasmi ah ugala wareegtay masuuliyiin ka socday xafiiska ilaalinta deegaanka iyo maaraynta dhulka ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here