Wasiirka Deegaanka Oo Furtay Shir Lagu Dejinayo Qorshaha Wasaaradaasi

0
381

Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta furtay shirka Curinta qorshaha wasaaradaasi ee shanta sano ee soo socda.
Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah ayay wasiirku ka furtay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa.


Waxaana furitaanka shirkaasi ka soo qayb galay haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.
Wasaarradaha dawladda ee ka shaqeeya arrimaha la xidhiidha deegaanka, qaar ka mida jaamacadaha dalka.


Shirkani ayaa muddada uu socdo lagu lafa-guri doonaa qorshaha cusub ee wasaaradda deegaanka ee 5-ta sano ee soo socda.
Iyadoo laga duulayo qorshaha guud ee qaranka Somaliland NDP2.
Diyaarinta qorshahaasi waxaa wasaaradda deegaanka ka gacan siinaysa haayada World Vision.
Daawo: Hadalkii Wasiirka iyo Agaasimaha Guud:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here