Somaliland: Wasaaradda Deegaanka iyo UNDP Oo Iska Kaashanaya Qorshe Haamaha Gaasta Lagu Iibinayo

0
514

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa maanta daah-furtay barnaamij la doonayo in hoos loogu dhigo qiimaha bulshadda lagaga iibiyo Haamaha Gaasta wax lagu karsado.


Kadib markii ay wasaaradda deegaanki heshiis la gashay qaar ka mida shirkadaha iyo ganacsatadda soo dejiya Haamaha Gaasta.


Daah-furka barnaamijkaasi oo maanta lagu qabtay xarunta ee magaaladda Hargaysa ayaa noqonaya kii labaad oo ay qabato wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.


Barnaamijkaasi ayaana qayb ka ah mashruuc ay iska kaashanayaan wasaaradda deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP.
Kaasoo la doonayo in lagu yareeyo, isla markaana hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha.

Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY