Wasiirka Dastuurka Somaliland Oo Tababar U Furay Ardayda Shaqo Qaran

0
697

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Culmi, ayaa tababar ku saabsan barashadda Dastuurka iyo Wadaniyada u furay ardayda  Kuliyada Carbiska Shaqo Qaran.


Waxaana munaasibadaasi goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, agaasime waaxeedo iyo qaar ka mid ah la taliyayaasha wasaaradaasi.

Ardayda ku jirta carbiska shaqo qaran ee barashadda dastuurka iyo wadaniyada loo furay ayaa noqonaya dufcadii afraad.


Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo furitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa madaxweyne Biixi, ku bogaadiyay aasaaska xarunta carbiska ee shaqo qaran oo uu isagu fikirkeedda lahaa.

DAAWO: Khudbadii wasiir Maxamed Xaaji Aadan:

Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, oo iyana munaasubadaasi hadal ka jeedisay ayaa dhalinyaradda tababarka loo furay ku boorisay in ay ka faa’iidaystaan mudadda uu socdo.

DAAWO: Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlaysa:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here