Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista oo Munaasibad Ballaadhan Xilka kagala Wareegay Wasiirkii hore + Daawo SAWIRRO

0
1209

Hargeysa, (HargeisaPress) —Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa Xilka kula Wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo hore u ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha.

12802882_1685577098326241_8249166194917561521_n

Munaasibaddan uu Wasiirka Cusube ee Wasaaradda Duulistu Xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) oo loo beddelay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Madax-dhaqameed iyo Shaqaalaha Wasaaradda Duulista ee kala duwan.

12804615_1685576894992928_6548360814940584395_n

Xafladdan oo sidoo kale uu xilka ku wareejiyey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Duulista Siciid Cabdi Maxamed iyo Wasiiru-Dawlaha Cusub ee Wasaaradda Duulista Axmed Nuur Faahiye,oo isna xilka kula wareegay, ayaa waxa ugu horeyn hadal kooban oo soo dhaweyn iyo Sagootin ah ka soo jeediyay Madaxa Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Hawada oo ku hadlayey Magaca Shaqaalaha Wasaaradda Muuse Ibraahim Yuusuf (Muuse-Salaf), waxaanu yidhi, “Wasiir Caddaani Muddadii uu nala joogay wuxuu ahaa Wasiir aad iyo aad ugu fiican shaqada oo khibrad wanaagsan u leh xagga Maamulka. Wasiir Caddaani wuxuu yimid Wasaarad dhisan, laakiin muddadii koobnayd ee uu joogay Duulista waxa ku hamiyey Hiigsi horumarineed oo Wanaagsan. Waxaanu soo dhaweynaynaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista oo ah Wasiir la isku raacsan yahay inuu ahaa Nin ku Wanaagan shaqada.”

 

12321664_1685574338326517_5600772779441831011_n

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar-Sayid, oo isaguna Munaasibadda ka jeediyay hadal, ayaa yidhi, “Wasaaradda Duulistu waxay ka kooban tahay 7 waaxood, mudadii Xukuumaddani talada haysayna waxay samaysay Horu-kac Muxaafid iyo Mucaaradba laga marag kacay, waxa xilk lala wareegay iyada oo Dadkeenu Diyaaradaha Ruushka ee (Duugoobay) ka soo raacaan Jabuuti, Maantana Shirkadaha Diyaaradaha ee Jubba iyo Daallo waxay wataan Diyaarado Wanaagsan oo Jet ah, Fly Dubai iyo Ethipian Airlines Duulimaadyo ayay ku yimaaddaam Dalka. Diyaaradaha Turkish Airlines iyo Qadar Airways-na way soo socdaan, waxaasaa Marag u ah Horu-kaca Wasaaraddani samaysay, waxaanu jecelahay in horumarkaasi sii socdo.”

12802807_1685576174993000_5664002385501882119_n

Agaasimaha Guud oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Waxaan soo dhaweynayaa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Cumar Sheekh Maxamed faarax iyo Wasiiru-Dawladaha duulista Axmed Nuur Faahiye, waxaanan leeyahay ku soo dhawaada Wasaaradda Duulista Hawada, waxaan leeyahay waxaad halkaa ka sii wadi doontaa Horumarkii Maxamuud Xaashi Cabdi Seeska u dhigay, Caddaanina sii dhaqaajiyey.”ayuu yidhi.

1918177_1685574368326514_3453520302538150430_n

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Siciid Cabdi Maxamed, ayaa isaguna Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista kula dardaarmay inuu xil gaar ah iska saaro Nabadgalyada Madaarrada Somaliland, Maaddaama oo dhibaato Ammaan daro ka jirto Geeska Afrika, “Waxaan u Mahad-naqayaa Shaqaalaha Wasaaradda Duulista, gaar ahaan Madaarka Hargeysa oo shaqadoodu ka bilaabanto 4:00 habeennimo illaa makhribka, waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista Hawada Caddaani oo muddadii uu Xilka hayey Wasaaradda aad kor ugu qaaday ammaanka, Wasiirka Cusubna waxaan kula dardaarmayaa inuu ammaanka Fiiro gaar ah u yeesho, waxaan soo dhaweynayaa Wasiirka Cusub ee Duulista iyo Wasiiru-Dawlaha Duulista Axmed Nuur Faahiye.”

12803272_1685579364992681_2862795661174586244_n

Axmed Nuur Faahiye Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, oo Madaxweynaha Somaliland ka soo beddelay Wasaaradda Waxbarashada, ayaa ka hadlay Ahmiyadda Nabadgalyada Madaarrada Somaliland, “Waxaan ku dardaarmayaa in amaanka Madaarka aad loo adkeeyo, Waayo? Waad ogtihiin Muqdisho waxa Diyaaradihii ka joojiyey Jabuuti, Imaaraadka iyo Turkiga. Waxaan u Mahad-naqayaa Dadka Deegaanka Masallaha ee lahaa Dhulka lagu fidiyey Madaarka.”ayuu yidhi.

12801154_1685574931659791_5032158796020200896_n

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista, ahna Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), oo Xafladda ka jeediyay hadal dheer oo kaftan u badnaa, ayaa yidhi, “Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista, Shaqaalaha Wasaaradda duulista, hay’adaha ammaanka ee la shaqeeya iyo Dadweynaha kale ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu u sheegaynaa inaan Nabadgalyada Ummadda Somaliland Cidna loo daba fadhiisanayn, markaa Wasaaradda Duulista iyo Madaarrada Cidna ha uga haybadeysanina, Cid kasta oo uu yahayna sidaa nidaamka ammaanka loo dhigay loo mariyo.”

12802882_1685577098326241_8249166194917561521_n

Wasiirka oo sii wata hadalkiisa , ayaa yidhi, “Saddexdii bilood ee aan Wasaaradda Duulista joogay waxaan ku dedaalay tayeynta Shaqaalaha Wasaaraddan, qof kastana waxa la hayaa Faylkiisa, waxa kale oo aanu ku dedaalnay tababbarada shaqaalaha, sida kuwa ammaanka ee qalabk baadhista Dadka mariya.”

12804753_1685574508326500_8283110295735446739_n

Gabogabadii Xafladda xil-wareejinta ah waxa ka hadlay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Sheekh Maxamed faarax, oo isaguna halkaas hadal ka jeediyay, ayaa sheegay inaanu Shaqada Dawladda ku cusbayn oo uu Xukuumadda talada haysa la shaqeeyay Saddexdii Sanadood ee u dambeeyay, isla-markaana Dadka Deegaanka Masallaha ee Madaarka Hargeysa ku yaallo isku cusbayn oo ay hore u soo wada shaqeeyeen, sidaa daraadeedna ku kalsoon yahay in sidii ay ula shaqeyn jireen Wasiirrada Wasaaradda Duulista uga horeeyay isagana ula shaqeyn doonaan.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Shaqaalaha Wasaaradda Duulista iyo Madaarrada Dalka, waxaanu tilmaamay inay ku dedaalayaan sidii ay u sii horumarin lahaayeen, laakiin aanay waxba ka dhimaynin.

12790906_1685580278325923_4892330681844951945_n

Ugu dambeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland waxa uu Shacabka Reer Somaliland kula dardaarmay inay Ciidammada kala shaqeeyaan sugidda Ammaanka isla-markaana loo guntado sidii loo sii wadi lahaa horumarinta Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here