Wasiirka Ciyaaraha Jabuuti oo Booqasho Ku Yimi Somaliland

0
1826

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dalka Jabuuti Xasan Maxamed Kaamil iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Wefti Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhoweeyay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed.

Ujeedka weftiga Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalka Jabuuti ayaa ah inay ka qayb galaan munaasibadda furitaanka tarkanka ciyaaraha gobolada Somaliland oo berito ka furmaya magaalada Hargeysa.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimadda Somaliland ee Hargeysa kusoo dhaweeyaan wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Jabuuti.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin laba dal oo walaalo wax badana ay ka dhexeeyaan.

Geesta kale, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalka Jabuuti Xasan Maxamed Kaamil ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida walaalnimada ah ee loogu soo dhaweeyay dalka JSL isagoo sheegay inay dalka u yimaadeen ka qaybgalka tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee Maalinta beri ah ka furmi doona Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here