Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Maanta Xadhiga ka Jarey Isbitaalka dhimirka Gabiley + SAWIRRO

0
1567

GABILEY , (HargeisaPress) โ€”Wasiirka Wasarada Caafimaadka Somaliland oo Ay Wahelinayaan Wasiirka Ganacsigaย  iyo Wasiirka Warshadaha Somaliland Ayaa Xadhiga Ka Jaray Cisbitaalka Dhimirka ee Magalada Gabiley oo Dhismihiisu Dhamaaday sidoo kale masuuliyiinta heer gobal iyo heer degmo ay dhinacooga amaan usoo jeediyey ururka samokaal oo lahaa hirgalida hospitalka dhimirka ee kaskaal.

xag

Sidoo kale gudoomiyaha ururka samokaal mudane kayse xaaji muuse ayaa isaguna ka hadley aas aaska ururka samokaal iyo halka uu kasoo bilaabmay oo ahayd baahi wayn oo bulshada reer gabiley ubaahnayd maanta la hadhsanayo midho dhalkii iyo waxqabadkii samokaaal.

uvs160410-004

Cusbitaalkani Dhimirka Ayaa Waxa Gacanta Ku Hayay ururka Mutadawaciinta Ah ee Samakaal Waxana Gacan Ka Gaystay Dadawaynaha Reer Gabiley oo Calaa Meherad Laga Qaadi Jiray 100shilin oo Shilin somaliland ahย  iyo Qurbajooga Reer Somaliland oo iyaguna Qayb Laxaadle Ka Qaatay Sidii Loo Dhamaystirilahaa Cisbitaalkani Dhimirka.

uvs160410-003

Munaasibad Loo Qabtay Xadhig Ka Jarka oo Ka Qabsoontay Hoolka Jamacada Timcade ee Magalada Gabiley ayaa Waxa Kale oo Ka Soo Qayb Galay Maamulka Heer Gobol iyo Heer Dagmo ee G.Gabiley Salaadiin Cuqaal Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley ururada Bulshada eeย Gobolka ,haween ,Ardayda Jamacada Gabiley ,xoghayaha komishanka samatar eegobolka Marti Sharaf Kale oo Aad u Tiro Badan.

uvs160410-010

Sidoo Kale Wasiirka Ayaa Dhagax Dhigay Hoolwayn oo Loo Samayn Doono Qolka emaregency room ee Cisbitaalka Wayn ee Gabiley islamrkana ay Dhisi Doonaan ururka Mutadawiinta ah ee Samakaal .

uvs160410-005

Hadaba waa markii ugu horeysay ee ururka bulshada reer gabiley ay muujiyaan iney iyagooo iskooda wax uqabsadaan ee aanay cid kale waxba ka sugin sidoo kale waxa loo aqooonsadey ururka samokaal inuu ururka horumarka gobalka gabiley.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan โ€” HargeisaPress โ€” Gabiley

Email:ย  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here