Wasiirka Caafimaadka Oo Xadhiga Ka Jaray Cusbitaal Imaaraadku Ka Dhistay Burco

0
436

Burco (HP): Wasiirka wasaaradda caafimaadka jamhuuriyadda  Somaliland Dr. Cumar Cali C/laahi,   ayaa maanta xadhiga ka jaray cusbitaal weyn oo dhisay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Burco.

Cusbitaalkaasi waxaa maalgelisay dawladda Imaaraadka Carabta oo ay wakil uga tahay  ay haayadda Sheikh Khaliifa binu Sayid Al-nahyaan ee  dalka Imaaraadka Carabta, kaasoo ayaa laga dhisay xaafadda Inji  ee magaaladda Burco.

Cusbitaalkaasi oo loogu tallo galay inuu daryeello Hooyadda iyo Dhalaanka  ayaa ah mid si casri ah loo dhisay, isla markaana la dhigay qalab cusub oo casri ah.

Munaasibadii xadhig ka jarista cusbitaalkaasi waxaa wasiirka caafimaadka ku wehelinayay agaasimaha madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bille, badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, maayarka Burco, iyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka qayb galay wefti ka socday dawladda Imaaraadka Carabta iyo haayadda Sayid Khaliif binu Saahid Al-nahyaan, oo uu hogaaminayay Suldaan.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Cumar Cali C/laahi, oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista cusbitaalkaasi ayaa sheegay in hirgelinta cusbitaalkani ay muujinayso wax qabad weyn oo dawladda Imaaraadku la qabatay Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan diyaariyeen sidii waxyaabaha ka dhiman cusbitaalka loogu dhamaystiri lahaa si uu u noqdo mid ay bulshadu ka hesho adeegyadii loogu tallo galay.
Geesta kale, Cali Qax-qaani, oo ka socday haayadda Sayid Khaliifa binu Al-nahyaan, ee cusbitaalkani hirgelisay  oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxay cusbitaalkani ay soo bixiyeen shacabka Imaaraadka Carabta oo u soo hadyadeeyay shacabka ay walaalaha yihiin ee Somaliland.
Dhinaca  kale agaasimaha cusbitaalkan la furay Dr. C/laahi Cali Muuse, ayaa wasiirka caafimaadka iyo masuuliyiintii kale soo tusay qaybaha uu cusbitaalkaasi ka kooban yahay iyo qalabka yaalla.
Waxaanu uga warbixiyay qalabka yaalla cusbitaalka iyo adeegyadda ay bulshadu ka helayaan.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY