Wasiirka Caafimaadka Oo Furay Shirka Dib U Eegista Waxqabadka 2021-ka iyo qorsheyaasha 2022-ka

0
610

Burco (HP): Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta magaaladda Burco ka furay shirka sanndalaha ah ee dib u eegista iyo qiimaynta waxqabadka wasaaradda caafimaadka ee 2021-ka iyo qorshaynta sannadka 2022-ka.


Shirkaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayay u jeedadiisu tahay sidii qiimayn iyo dib u eegis loogu samayn lahaa waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda caafimaadka sanadkan sii dhamaanaya ee 2021-ka.


Sidoo kalena waxaa inta uu shirkaasi socdo dejin iyo diyaarin lagu samayn doonaa qorsheyaasha ay wasaaradda caafimaadku ku hawl gelayso sanadka soo socda ee 2022-ka, iyo meelaha ay muhiimadda siinayso.
Furitaanka shirkaasi waxaa wasiirka caafimaadka Xasan Gaafaadhi, ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.


Waxaana shirkaasi ka qayb gelaya dhamaanba dhakhaatiirta wasaaradda ka hawl gala iyo sidoo kale isku-duweyaasha wasaaradda ee goboladda dalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here