Wasiirka Biyaha Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Burco

0
374

Burco (HP): Wasiiradda biyaha Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta wakaaladda biyaha ee magaaladda Burco.

Wasiir Cali Mareexaan, oo safar shaqo ku jooga ayaa sidoo kale waxa uu soo kormeeray goobaha biyo soo saarka iyo kaydka biyaha ee magaaladda Burco.

Wakaaladda biyaha ee Burco ayaa ta labaad ee ugu weyn guud ahaanba xarumaha biyo soo saarka dalka, waxaana ka weyn uun ta Hargaysa.

Wasiirka oo la hadlay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wakaaladda biyaha Burco ayaa kula dardaarmay in shaqadda ay hayaan si buuxda bulshadoodda ugu hagar baxaan.

Maadaama oo ay biyuhu yihiin hal-bawlaha nolosha bini’aadamka, isla markaana magaaladda Burco ay ku nool yihiin dad aad u fara badan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here