Wasiirka Biyaha Oo Furay Tababar Ku Saabsan Shay-baadhka Biyaha

0
357

Hargaysa (Hargeisa Press): Biyuhu waa nolosha, biyo la’aana nololi jiri mayso. Sidaa darteed waa in la hello biyo nadiif ah oo cabista dadka ku haboon
Sidaasi waxaa yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo maanta tababar u furay qaar ka mid shaqaalaha wasaaradaasi.
Xubnahan ka tirsan shaqaalaha wasaaradda biyaha Somaliland ayaa lagu tababarayaa sidii ay uga shaqayn lahaayeen shay-baadhka biyaha.
Iyadoo ay noqonayso markii u horaysay oo Somaliland yeelato shay-baadhka tayadda biyaha.
Tababarkaasi ayaa la sheegay in uu socon doono muddo lix bilood ah.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY