Wasiirka Biyaha oo Ceel-Biyood Ka Dhagax Dhigay Balli-Dhiig

0
798

Balii-Dhiig (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed, ayaa maanta ka dhagax dhigay Riig-Biyood cusub oo laga qodayo degmada Balli-Dhiig ee gobolka Buuhoodle.

Ceelkan cusub oo isla maantaba dodistiisu bilaabantay waxaa iska kaashaday dadka Deegaanka iyo Wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland.

Dhagax dhiga ceel biyoodkaasi waxaa wasiirka biyaha ku wehelinayay maamulka gobolka Togdheer, iyo ka degmadda Burco.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY