Wasiirka Beeraha Somaliland oo Kulan La Qaatay Beeraleyda Dalka

0
1082

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed iyo guddoomiyayaasha ururada khudralayda ah, ayaa kulan is-xog wareysi ah ka yeeshay xaaladda khudaarta dalka, gaar ahaan tamaadhada oo dalka ka go’an.

Kulankaas oo saacado qaatay ka dib, markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Cabdifataax Axmed Muxumed oo ah guddoomiyaha ururka  iidaan oo ku hadlayay afka iskaashatooyinka khudradlayda, waxaana uu sheegay in wasiirka ay ka wada hadleen sidii loo heli lahaa wax-soosaarka tamaadhada oo dalka ka go’an, sababta loo waayayna uu ku sheegay in tamaadhadii ka iman jirtay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya uu hakad ku yimi, taasina ay saamayn weyn ay ku yeelatay suuqyada khudaarta Somaliland.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland  Axmed Muumin Seed, oo halakaas ka hadlay ayaa sheegay in tamaadhada dalka uu kala go’an ay sababtay ka dib markii Ayax ku habsaday dhul beereedka somaliland, wasiirku waxa uu tilmaamay inay wadaan dedaalo xoogan ka wasaarad ahaa, isla markaana kaashanaya iskaashatooyinka khudralayda somaliland si dalka loo keeno tamaadho ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here