Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Jarmalka Kaga Qayb Galay Shir Caalamiya

0
6435

Berlin (HP): Wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka kaga qayb galay shir caalamiya oo lagaga hadlayo horumarinta beeraha iyo wax-soo-saarka Africa.

Shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay, isla markaana marti gelisay dawladda Jarmalka waxaa ka soo qayb galay wasiirka beeraha iyo cuntadda ee dawladaha Jarmalka iyo sidoo kale wasiirrada beeraha ee Itoobiya, Uganda, Nigeria, Namibia, Zimbabwe iyo wasiirka ganacsiga ee dawladda Koonfurta Africa.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay safiirro ka socday wadamo ka tirsan qaaradda Africa, ganacsato iyo shirkado caalami ah oo halkaasi ku soo bandhigay ganacsiyadoodda iyo sidoo kale Baananka ka shaqeeya arrimaha maalgashiga.

Waxaana ganacsatadda shirkaasi ka qayb galay ee Somaliland ka socday ka mid ahaa shirkadda Gamuur Furniture oo uu joogay maamulaha guud ee shirkadda Gamuur, iyo sidoo kale hogaanka jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jarmalka.

Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo xukuumadda Somaliland shirkaasi uga qayb galay oo markii shirku soo dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii shirka lagaga hadlay iyo wadamadii ka soo qayb galay.

Waxaanu yidhi, “Farxad ayay noo tahay in aan ka soo qayb galno shirkan ka dhacay dalka Jarmalka caasimadiisa Berlin. Waxaanu kulamo yeelanay wasiirrada beeraha ee dawladaha Itoobiya, Uganda, Namibia, Zimbabwe, South Africa iyo Nigeria.

Shirkan waxaa lagaga hadlayay arrimaha beeraha oo keliya. Sidii wadamadda Afrika wax-soo-saarkoodda kor loogu qaadi lahaa. Waxa kaloo lagaga dooday shirkaasi, waxyaabaha la soo saarro sidii loo suuq-gayn lahaa”.

Sidoo kale wasiir Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in shirkaasi diirrada lagu saaray caqabadaha wadamadda Afrika ka haysta dhinaca horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadahaasi

Iyadoo shirkadihii iyo dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ee joogay ay muujiyeen sida ay u danaynayaan in ay wax la qabsadaan dalalka Afrika.

“Shirkan waxa kaloo ka qayb ahaa, baananka. Sida baanka horumarinta Afrika iyo qaar ka mida qaadhaan bixiyeyaasha.

Shirkadaha aadka u daneeya wax-soo-saarka ayaa joogay. Waxaa joogay qaadhaan bixiyeyaasha oo aduunka oo dhan isaga kala yimid.

Kuwaasoo iyaga laftoodu dhanka wax-soo-saarka aad u dhiirigelinayay, oo rabay in ay arkaan Afrika oo ka horumartay wax-soo-saarka, ayaa inta badan lagaga doodayay, iyo sidoo kale Maxaa caqabado ah ee Afrika ka hor taagan wax-soo-saarka in kor loo qaado”ayuu yidhi wasiirka beeraha Somaliland.

Dawladda Jarmalku waxay mashaariic kala duwan oo horumarineed ka wadaa dalal badan oo Afrika ku yaalla oo ay Somaliland ku jirta.

Waxaanay dawladda Jarmalku Somaliland ka taageertaa dhinacyadda beeraha, Kalluumaysiga, wadooyinka, waxbarashadda iyo meello kale.

Sida uu sharaxayo wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed. Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Shirkan Somaliland qayb weyn ayay ka ahayd.

Wasiirka cuntadda iyo beeraha dawladda Jarmalku markii ay maanta shirka ka hadlaysay, waxay sheegtay in ay 35 wadan oo Afrikaan ah caawiyaan. Markaa Somaliland waxay qayb ka tahay 35-ka wadan ee jarmalku caawiyo.

Jarmalku wuxuu Somaliland ka caawiyaa, dhinacyadda beeraha, wadooyinka, Kalluumaysiga iyo xoolaha. Waxa kaloo ay inaga caawiyaan waxbarashadda iyo deegaanka. Ila dhawr wasaarradood ayay dawladda Jarmalku Somaliland wax badan nala qabtaan”.

Geesta kale wasiirka beeraha iyo cuntadda ee dalka Jarmalka Mrs. Julia Klöckner, oo furitaanka shirkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay muhiimadda in qof kastoo Africa ku nool uu hello cunto ku filan.

Waxaanay xustay in 24 wadan oo Afrikaan ah ay xidhiidh wanaagsan wadaagaan dawladda Jarmalka,.

Mrs. Julia ayaa ku dhiiri gelisay dhalinyaradda Africa in ay ka faa’iidaystaan khayraadka ay haystaan, isla markaana ay ku horumariyaan wadamadoodda.

“Jarmalku wuu sii wadi doonaa, wada shaqaynta ka dhaxaysa wadamadda Afrika”, ayay tidhi wasiirka cuntadda iyo beeraha dawladda Jarmalka.

Dhinaca kale shirkadda Gamuur Furniture ayaa ka mid ahayd shirkadaha ganacsi ee shirkaasi lagu soo casuumay ee Somaliland ka socday. Mulkiilaha shirkadda Gamuur Furniture Daahir Maxamed Gamuur, ayaa ka warbixiyay fursadihii maalgashi ee ay u soo bandhigeen gacansatadii uu la kulmay.

Waxaanu yidhi “Shirkan waxaa lagaga hadlayay wax-soo-saarka. Waxaana ka soo qayb galay shirkaddo fara badan, oo doonaya in ay wadamadda Afrika wax la qabsadaan iyo shirkado badan oo danaynaya in ay Somaliland wax la qabtaan.

Kuwaasoo doonaya in ay ka caawiyaan dhinacyadda Kalluumaysiga, beeraha iyo waxyaabo kale.
Dadka reer Somaliland waxaan odhan lahaa, marka fursadahaas oo kale jiraan, in ay yimaadaan, oo ay shirarka ka soo qayb galaan”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY