Wasiirka Beeraha oo Kormeeray Xarunta Guud Ee Ayaxa

0
476

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, ayaa Maanta kormeer ku soo maray Xarunta Ayaxa ee Wasaaradda beeraha ee Magaalada Hargeysa oo dib u dhis lagu samaynayo.

Wasiirka, Agaasimaha guud iyo Xubno Ka mid ah Agaasimeye-waaxeedyada Wasaaradda, ayaa kormeeray xarunta Ayaxa, taasi oo loogu Talo-galay in si gaar ah loo dhigo sunta Ayax, Gaadiidka Buufinta Ayaxa loogu Talo-galay isla-markaana hawl-wadeennada Ayaxa ee Wasaaraddu goor walba heegan ku ahaadaan.

Dhismaha Xaruntan oo ku taalla Koonfurta-galbeed ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa dib u dhiskeeda Wasaaradda ka caawisay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee (FAO).

Wasiirka iyo Agaasimaha guud, ayaa qoqol soo eegay dhammaan Dhismeyaasha Xaruntu ka kooban tahay, waxayna xog-warran ku saabsan sida hawshu u socoto ka dhegaysteen Farsamo-yaqaannada (Enigeerrada) Wasaaradda u qaabilsan Maamulka iyo dhismaha Xaruntaasi oo muhiim u ah hawl-qabadka Wasaaradda Beeraha, gaar ahaan waaxda bedbaadada Beeraha.

Egineerrada, ayaa Wasiirka iyo Agasimaha guud u soo bandhigay illaa hadda inta la qabtay hawsha dhismaha xaruntaasi iyo waxa dhiman.

Intaasi ka dib, waxa uu Wasiirku hawl-wadeennada u tilmaamay meelo dhismaha ka mid ah oo u baahan in dib loogu noqdo, si loo sii qurxiyo iyo meelaha dhiman ee u baahan in dhismaha socda lagu kordhiyo.

Kormeerka oo qayb ka ah Kormeerrada “I Tus oo Taabsiida ah” ee Wasiirku ku ogaanayo sida loo fulinayo Mashaariicda Wasaaraddu waddo ee isaga hortii la bilaabay, ayaa waxa goob-joog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxda Qorshaynta Abdirisak Shafi Maxamed iyo Bedbaadada Beeraha Dr. Maxamed Siciid (Suudaani) iyo xubno kale oo muhiim ah.

May be an image of 5 people, people standing and outdoors

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and outdoors

May be an image of 5 people, people standing and indoor

May be an image of 4 people and people standing

May be an image of 4 people, people standing and indoor

May be an image of 8 people, people standing, tree and outdoors

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here