Wasiirka Beeraha Oo Hadhimo U Sameeyay Xildhibaanadda Kulmiye Ee Golaha Wakiiladda

0
867

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyay xildhibaanadda cusub ee xisbiga Kulmiye ee golaha Wakiiladda iyo xubnaha isbaahaysiga ee xisbiyadda mucaaradka ka soo goostay.

Sidoo kale waxaa qado sharaftaasi ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, iyo masuuliyiin kale.

Munaasibadaasi qado sharafta ahayd waxa kaloo joogay saddexda xubnood ee xisbiga Kulmiye u soo sharaxay in ay noqdaan shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland.

Kuwaasoo uu hormood u ahaa xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon), oo ah xubinta uu xisbiga Kulmiye u soo shirrabay guddoomiyaha golaha Wakiiladda ee cusub.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY