Wasiirka Arrimaha Gudaha Waxaan Ka Codsanayaa Inuu Iga Qabto Dulmiga Dawladda Hoose Ee Hargaysa

0
684

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ah Oday Xilkas ah waxaan ka codsanayaa inuu iga qabto dulmiga ay igu hayso Dawladda Hoose ee Hargeysa, gaar ahaan Maayarka Hargeysa iyo Guddoomiyaha Guddiga dhulka ee Golaha deegaanka Xildhibaan Xasan Cabdi Cali (Xasan-Shahar).

Haddaba, anigoo ah Muwaadin Isaxaaq Cumar Bullaale, Mudane Wasiir marka hore waxaan kaaga Mahad-naqayaa baadhistii iyo Xaqiijintii aad ku amar bixisay in Dawladda hoose ee Hargeysa War-bixin dhab ah kaa soo siiyo Cabashadii aan kuu soo qortay 05/02/2018, sidaasi darteed Mudane Wasiir sida ku cad Warqadda Sumaddeedu tahay WAG/60/07/2018 Taariikhduna tahay 10/02/2018 ee aad u dirtay Duqa Caasimadda Hargeysa, waxay baadhis iyo Caddayn ka dib kuu soo gudbisay Dawladda Hoose Warqadda Sumaddeedu tahay XDHH/XXF/71/05/2018.

Taariikhdeeduna tahay 08/08/2018, kana soo baxday Xafiiska Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxaana ku lifaaqan Warqadda Caddaynta ah ee guddiga Farsamada dhulka ee Dawladda hoose Hargeysa iyo Tixraaca Qoraalka Maayarka Warqadda Sumaddeedu tahay XDH/WDH/88/2017 ee Taariikhdeedu tahay 13/06/2018, haddaba Mudane Wasiir baadhistaa iyo Xaqiijinta dhulkayga ka dib, markay Dawladda hoose kuu soo gudbisay sifaha Sharci ee dhulkayga.

Waxaad Mudane Wasiir Amar ku bixisay duqa Caasimadda iyo Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose inay dib iigu soo celiyaan Faylkii dhulkayga iina Madax-bannaaneeyaan dhulkaas, sida ku cad Warqadda WAG/XW/371/07/2018, Taariikhdeeduna tahay 06/09/2018.

Haddaba Mudane Wasiir, waxaan mar labaad Cabasho kuu soo qortay 24/09/2019, waa sannad iyo badh ka dib, sida ku cad Arjigayga oo ay ku lifaaqan yihiin wixii Caddaymo ahaa, sidaa awgeed Mudane Wasiir Anigoo Muwaadin ahaan Sharaf iyo qadarin kuu haya, Codsigayguna uu ku hor-yaallo wakhtigan, waxa iigu biiray dulmigii hore ee Dawladda hoose ku haysatay Faylkii dhulkayga, inay Maayarka Hargeysa iyo Guddoomiyaha dhulka ee Golaha deegaanka Xasan-shahar amar ku bixiyeen 11/12/2019 in la iga dumiyo sandaqaddii iiga dhisnayd dhulkayga.

Sidaasi darteed, Mudane Wasiir Dulmiga noocaas ahi waaka Maanta igu kalifay inaan Adiga oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Hay’adaha nabadgalyada u bandhigo Caddaalad-darrada igu dhacday. Haddaba Mudane Wasiir waxaan kaa codsanayaa in la iga qabto dulmiga Dawladda hoose ee Hargeysa.

 

Allaa Mahad Leh

 

Isaxaaq Cumar Bullaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here