Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
504

Hargaysa (HP): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ugu baaqay bulshadda in ay qaataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Iyadoo diiwaangelinta codbixiyeyaasha shalay si rasmiya iga bilaabantay gobolka Awdal iyo degmooyin ka tirsan gobolka Maroodijeex.
Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale faray haayadaha amniga in ay ilaaliyaan nabadgeliyadda si ay habsami ugu qabsoonto diiwaangelintu.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxaa fulinaya guddiga dooraashooyinka qaranka Somaliland.
Waxaana gacan siinaya wasaaradda arrimaha gudaha, ciidamadda booliska iyo maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka.


Laakiin, waxaa lagu xoojiyay haayadahaasi kala duwan xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.
Waxaanu kula dar-daarmay guud ahaanba dadweynaha Somaliland gaar ahaana kuwa ku nool goboladda ay diiwaan gelintu ka socoto in ay u diyaar garoobaan diiwaangelinta, isla markaana ay si nabadgeliyo ah uga qayb qaataan.

Daawo: Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Kaahin:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY