Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegay In Uu Dhamaaday Sanadkii Loo Qabtey Xayiraada Mooshinada Lagaga Soo Horjeedo Maayarada Dalku

0
1147

DSC_0060 Cali WarancadeHargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa markii u horeysay ka dhawaajiyay,xaalada Golayaasha Deegaanka Dalka isagoo sheegay in uu dhamaaday wakhtigii ay Wasaarada Arimaha Guduhu u qabatey in lagu ogaado Maayarada dalka wax u qabanaya iyo kuwa musuqmaasuqa ku taxaluqa islamarkaana, ay imika wixii ka dambeeya fasixi doonaan Mooshinadii ka dhanka ahaa Maayarada dalka ee Wasaaradu Xidhay.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somalilan Cali Maxamed Warancade oo maanta Saxaafada ugu waramey Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland,waxa uu ka hadley arinta Golayaasha Deegaanka Dalka oo uu Sheegay in uu dhamaaday wakhtigii Xayiraadu waxa kamid ah hadaladiisa.

 “Hadaan ka hadlo Arinta Golayaasha Deegaanka Wasaaradu waxey markii hore soo saartey Wareegto lagu joojinayo in ay Mudosanad ah Xubnaha Golayaasha Deegaanku soo dhigaan Mooshino ka dhan ah Maayarada si loo ogaado ka Waxqabanaya iyo ka aan Waxba qabaneyn , markaa hada wey dhamaatey mudadii Sanadka aheyd ee aanu xidhnay waananu fureynaa in lala xisaabtamo sharciguna sidaasuu dhigayaa”Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.

Golayaasha Deegaanka Dalka qeybo badan oo kamid ah ayaa Wareegtadaasi ka xanibtey in ay u quus gooyaan Maayaro badan oo dalka kuwaas oo ay kamid ahaayeen Deooyinka Burco,Gabiley Boorame, iyo Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo maalmihii u dambeeyay bilaabay kacdoonka ka dhanka ah Maayarka iyo Kuxigeenka Caasimada maadaama, ay iyagu ka warhayeen in mudadad Sanadka ah ee Wasiirku Sheegay ay wakhtigan ku eeg tahey in ay dhamaatey, waxaana la filayaa in uu Todobaadkan soo socda dacwad ka dhageysto qaar kamid ah Golayaasha cabashadoodu meesha adag mareyso.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY