Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Djibouti + Maxay Tahay Sababtu

0
984
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawladda jabuuti ayaa masuuliyiin iskugu jira wasiiro iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga taladda dalka haya ee kulmiye casuumad rasmi ah u soo dirtay,taasi oo ay u soo marisay saafaradda somaliland ku leedahay dalka Jabuuti.

Masuuliyiinta Dawlada Jabuuti Soo Casuuntay ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Ay Wehelinayaa Masuuliyiin xisbiga kulmiye ka tirsan,waxaana ay wararku sheegayaa in ay kulamo la yeelan doonaan madaxwaynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Waftigan uu wasiirku hogaaminaya ayaa galabta ka dhoofi doona Madaarka Cigaalka Ee Magaaladda hargaysa,waxaana ay tagi doonaan Magaaladda jabuuti oo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda ugu saraysa dalka jabuuti.

Saddexda xubnood ee ka tirsan xisbiga kulmiye ee safarka ku wehelinaya wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa iyagana magacyadooda la sheegin.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY