Wasiirka arimaha Dibadda oo ka hadlay marti qaad ay Somaliland u fidisay Nicholas Kay

0
1138

Maxamed BiixiHargeysa,(HargeisaPress) — Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Managed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland martiqaad u fidaysay Wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Nickolas Kay, si uu Hargeysa u yimaado.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Nicholas Kay dalka ka mamnuucay mar uu kulan kula qaatay Madaxtooyada wakhtiyadii Xafiiska loo magacabaay hase ahaatee kulamo dhex maray Wasiirka Khaarajiga iyo Nicholas Kay ayaa horseeday in xidhiidhka dib loo soo celiyo.

“ Nicholas Kay 12-kii June ayaan London kula kulmay. Waanu wada hadalnay, waa dhab oo waanu soo Casuunay, waxaanan filayaa inuu yimaado Hargeysa Bisha Augost ee soo socota 18- 19-keeda. Marti qaad baanu u fidinay, Nickolas Kay sida aad ula socotaan wuxuu UN-ka u qaabilsan yahay Hay’addaha, dhamaan Hay’addaha halkan joogaana isagay hoos yimaadaan, hadii ay yihiin Horumar, Xuquuqal Iisaan ama ha ahaato siyaasadde.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka ayaa sheegay inaanay siyaasad la xidhiidhin waxyaabaha ay Nicholas Kay kala hadlayaan “ wax siyaasad la xidhiidha kala hadli mayno Nicholas Kay. Arimaha aanu kala hadlaynaa waa Arimo horumar ah, Gender-ka ku lug leh, Tababaro Booliska la siiyo, Askarta Jeelasha la siiyo, Markaa Arimo aanu xaq u leenahay, haddii aanu Somaliland nahay ayaanu doonaynaa inay wax nagala qabtaan” ayuu sheegay Wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaan wax dhibaato ahi dhex Oolin Somaliland iyo Qaramada Midoobay “ Cilaaqaadka UN-ka iyo Somaliland wax dhibaato ah oo dhex taalaa ma jirto. UN-ku waa Hay’ad aanu u baahanahay inaanu la shaqayno, waxaanu goosanay inaanu soo dhawayno, oo soo Marti qaadno, isna wuu naga ogolaaday inuu yimaado” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Wasiirku waxa uu sheegay in Xukumad ahaan doonayaan Nickholas Kay xidhiidh fiican la yeesho Somaliland maadaama oo Nickolas Kay 90-kii Cishaba mar Golahaamaanka warbixin u gudbiyo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here