Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Ka Jawaabay Hadal Kasoo Yeedhay Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya

0
811
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) โ€”Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa jawaab ka bixiyay wareysigii wargeyska Geeska Africa la yeeshay safiirka midowga yurub ee Somaliland iyo somaliya Danjire Michelle Cervone dโ€™Urso isaga oo wasiir Sacad difaacay goโ€™aanka madaxwaynuhu dib ugu dhigay doorashooyinka ee ay beesha caalamku ka qaylisay.

 

Danjire Michelle ayaa wargeyska Geeska Africa u sheegay in goโ€™aanka madaxwaynuhu dib ugu dhigay doorashada golaha wakiilada ay wiiqayso kalsoonidii beesha caalamka ee Somaliland.

 

Wasiirka arimaha dibada somalland Dr Sacad Cali Shire oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Africaย  ayaa sidoo kale ka hadlay hadalkii uu madaxwaynaha Kenya uu ku sheegay inaanu Somaliland aqoonsanayn,waxaanuu waraysiga Sacad u dhacay sida tan.

 

Wargeyska Geeska Africa waxa uu waraysi la yeeshay safiirka midowga Africa ee Somaliland iyo somaliya,waxaanu waraysigaasi ku sheegay in goโ€™aanka madaxwaynuhu keenay inay kalsoonidii beesha caalamka ee Somaliland wiiqantay markaas sidee ayaad u aragtaa?

Sacad:-โ€œSomaliland kalsoonidii caalamka may wiiqin,kaliya waxay ku talaabsatay waxay xaq u leedahay ,waxaanan ku kalsoonahay in aanay Somaliland marnaba waayeen ama wiiqayn kalsoonida beesha caalamka ,goโ€™aanka madaxwaynuhu waa rabitaanka shacabka,markaa kalsoonida caalamku waxay ku salaysan tahay dimuqraadiyada iyo degaanshaha Somaliland,goโ€™aankii madaxwaynuhu waa mid sii adkeynaya dimuqraadiyada,deganaashaha,iyo midnimada, goโ€™aankana waa goโ€™aan uu shacabku taageersan yahay sidii laga arkay shaashadaha,talaabooyinka iyo goโ€™aanka madaxwaynuhu qaadayย  waxay adkaynayaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan dawlada,markaas goโ€™aanka madaxwaynuhu wuxuu xoojinayaa dimuqraadiyada,midnimada iyo daganaashaha ,in kalsoonida caalamka xoojiso mooyaane ma daciifi kartoโ€

 

Beesha caalamka iyo wadamada Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinku goโ€™aankii madaxwaynaha way kasoo horjeesteen wayna dhaliileen markaa sidee ayaad u aragtaa fikirkooda?

 

Sacad:-โ€œiyagu waxba inaguma qasbayaan ee waxay jecel yihiin inay labada doorasho mar wada dhacaan,inagu waxaynu dan u aragnaa in la kala qado ,markaas waxaanu rajaynaynaa oo aynu quud-daraynaynaa inay inala qaataan rabitaankeena ,wadan kastena isaga ayaa garanaya wuxuu u baahan yahayโ€

 

Hadii uu goโ€™aanka madaxwaynuhu ku kala qaaday labada doorasho dhaqan galo oo codsiga wadamada Somaliland ka caawiya doorashooyinka la diido,hadiiย  ay diidan kharashka ay ku bixiyaan doorashada xukuumaddu ma bixinaysaa oo dhabarka ma u ridanaysaa kharashaadka doorashooyinka?

 

Sacad:-โ€œHorta wali may odhan doorashada idinka caawin mayno ee doorashada labaad ayay ka hadlayaan,taas lafteeda waxaan filayaa inay inaga caawin doonaan,balse hadii ay dhacdo inay inaga caawin waayaan Somaliland marxalado badan ayay soo martay way kasoo gudubtay iyada oo dadkeeda iyo xoolaheedaba ku tashanaysa markaas insha alllah waanu isku tashan doonaaโ€

 

Madaxwaynaha Kenya waxa uu sheegay inaanu Somaliland aqoonsanayn,madaama xidhiidh cusubi u bilaabmay labada dal ee somaliya iyo Kenya ,markaas sidee ayaad u aragtaa hadalkaasi kasoo yeedhay madaxwaynaha Kenya?

 

Sacad:-โ€œWali dalka Kenya inama aqoonsan jiritaanka iyo aqoonsiguna waa kala jaad ,Somaliland waa wadan jira oo xuduudo caalamiya leh oo taas aqoonsi Kenya ugama baahnin iyo inaynu jirno oo xuduudo leenahay oo taariikh ayaynu leenahay ee Kenya iyo caalamka intiisa kaleba waxaynu uga baahanay aqoonsigaย  madaxbanaanida ,kolay waxa jira daruufo arimo siyaasi oo arimahooga gudaha ah,balse Kenya xidhiidh wanaagsan baynu lahayn oo halkan waxa inoogu yimid xildhibaano badan oo ka socda Kenya,waxa jira dad badan oo reer Somaliland ah oo Kenya dagan,halkan dad badan oo Kenyan ah ayaa ka shaqaysta waliba dadka reer Kenya ee Somaliland yimaadaa iskama yimaadaan ee Fiiso ayay kusoo galaan markaas hadii aynaan waddan lahayn fiisaha Somaliland kumay yimaadeenโ€.

 

Madaxwaynaha Somaliya dagaal siyasadeed ayuu la galay Somaliland oo madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland wuu kasoo horjeeda ,markaas hadii ay sidaas tahay miyaanay qorshaha idiinku jirin inaad joojisaan wada hadaladii somaliya?

 

Sacad:-โ€œCadaadiska mawqifka iyo la dagaalanka dhinaca ictiraaf raadinta Somaliland ee somaliya wax inagu cusub maaha,madaxwaynaha somaliya wuxuu doono ayuu iskaga hadlay,hadalna waxba inagaga qaadi mayo ,balse wada hadalada hadii aanay waxba inoogu jirin waynu ka tashan doonaa oo siddii kale ee aynu dan moodno ayaynu yeeli doonaa ,mar walbana waxay ku jirto danta dadka iyo dalkaba ayaanu yeeli doonaaโ€sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Wasiir Sacad Cali Shire.

 

HargeisaPress News Desk โ€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram:ย @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here