Wasiirk Ku-Xigeenka Qorshaynta Oo Mucaaradka Ku Eedeeyay In Ay Nabadgeliyo Dalka Ka Abuurayaan

0
618

Hargaysa (HP): Wasiirka ku-xigeenka qorshaynta Somaliland Xuseen Ibraahim  Buuni, ayaa ku eedeeyay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani in uu dalka ka hurinayo nabadgeliyo darro.

Waxaanu Buuni, xisbiga Waddani ugu baaqay in uu ku soo laabto xayn-daabkii sharci ee dalka u yaalay, isla markaana xisbiyadu aanay isku deyin in ay dalka ka sameeyaan waxyaabo ka baxsan shuruucda dalka.

Xuseen Aadan B uuni, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxa kaloo uu sheegay in aanay xukuumadu marnaba aqbalaynin in nabadgeliyo darro dalka laga abuuro.

Waxaanu yidhi, “Dalkeena hooyooyinka kumaan-kunka ah, ee danyarta ah,  ee nolol maalmeedkoodu ku xidhan yahay, hawsha ay maalin qabsadaan, ee Tamaandhada suuqa ku iibiya, ee hilibka suuqa ku iibiya, ee caanaha suuqa ku iibiya, waxay hadhsadaan waa nabadgeliyadda.

Dalaka-na waxaa loo doortay in uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi. Hogaaminta dalku xisbiyadda mucaaradka ah iyo madaxweynaha kama dhaxayso. Hogaaminta dalka waxaa iska leh, madaxweyne Muuse. Xukuumad ayaa dalkan hogaamisa”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Xukuumadu ma ogolaanayso, cid kastoo fad-qalalo nabadgeliyo darro sababi karta dalka ka sameeya is yidhaahda, dawladu gacan Birr ah ayay wax kaga qabanaysaa. Mana ogolaanayso cidii ay doonto ha ahaatee.  Waxaan ugu baaqaynaa cid kastoo hawlahaas gacanta kula jirta in ay faraha kala baxdo”ayuu yidhi Xuseen Buuni.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka qorshayntu waxa uu ka hadlay siyaasiyiintii madasha wada tashiga ee sheegay in madaxweynuhu ka diiday dhex dhexaadintii.

Waxaanu yidhi, “Odayaashii yidhi wax baan dhex dhexaadinaynaa, oo waan is xil qaanayna, waxaan u sheegayaa, in aanay dhex dhexaadintu noocaas ahayne, waxaa mudan in ay hadalkii taliyaha ciidanka booliska dhegaystaan.

Ka hor inta aanay xukunka gaadhin, ama aanay dhinaca ay iyagu jecel yihiin garta siinin, in ay labadda dhinacba arkaan ayay ku haboonayd.

Xisbiyadda mucaaradkana waxaanu ugu baaqaynaa in  ay ku soo noqdaan, saaxadda siyaasadda, ee dastuurku u xadiday. Wixii dastuurku qeexayna xukuumadu ka ogolaan mayso in ay dhinac maraan”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY