Wasiir Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Oo Dafiray Magaca Wasaaradii Madaxwaynuhu U Igmaday Iyo Magac Uu Ula Baxay Wasaarada

0
1172

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland mudane Xuseen Dayr ayaa dafirey meeshana ka saraay magaca wasaaradii uu madaxwaynaha Somaliland u igmaday ee ahayd wasarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland.

 

Wasiir Xuseen Dayr ayaa sheegay inaanay wasaaradiisu ahayn wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland balse ay tahay wasaarada maalgashiga oo kaliya.

 

Wasiir Xuseen Dayr ayaa ah wasiiradii dhawaan loosoo magacaabay xilka wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga iyada o ay xilkan wasiirnimada ay uga soo horeyeen masuuliyiin badan balse iyagu ku joogay xilkana ku hayay magaca wasaarada ganascisga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland.

 

Waxaana uu wasiirku hadalkan ka sheegay Munaasibad lagu shaacinayay shirkad cusub oo lagu magacaabo Dermokil isla markaana Dalka keeni doonta waxyaabaha laysku qurxiyo,balse bulshadii kasoo qayb gashay xaflad ayaa markii ay xafladu soo idlaatay waxay is waydiinayeen sababta uu wasiirku meesha uga saaray magaca wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga iyaga oo sidoo kale is waydiinayay wasiiirka ganacsiga madaama u sheegay inaanu ahayn wasiirka ganacsiga ee uu yahay wasiirk wasarada maalgashiga oo kaliya.

 

Arinkan ayaa ah mid ay hadal hayntiisu aad u badatay balse lama garanayo sababta uu wasiirku mesha uga saaray magaca wasaarada ganaciga iyo malgashiga oo madaxwayne siilaanyo u magacaabay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here